Ciidamada Myanmar oo Saldhigyo Milletery Ka Sameystay Masaajidyada iyo Guryaha Ay Ka Qaxeen Muslimiinta Rohingya.

0
Tuesday March 13, 2018 - 16:15:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Myanmar oo Saldhigyo Milletery Ka Sameystay Masaajidyada iyo Guryaha Ay Ka Qaxeen Muslimiinta Rohingya.

    Ururka u dooda xuquul insaanka ayaa soo bandhigay muqaal cusub ee laga soo duubay Dayac Gacmeed kaasoo ay ka muuqanayaan Saldhigyo Milleteri oo ay Ciidamada Xukuumada Myanmar ka dhisteen goobaha lagu cibaadeysto sida Masaajidyada iyo Guryahii ay ka b

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka u dooda xuquul insaanka ayaa soo bandhigay muqaal cusub ee laga soo duubay Dayac Gacmeed kaasoo ay ka muuqanayaan Saldhigyo Milleteri oo ay Ciidamada Xukuumada Myanmar ka dhisteen goobaha lagu cibaadeysto sida Masaajidyada iyo Guryahii ay ka barakaceen Dadka Rohingya.


Bayaan ka soo baxay Hay’addaasi ayaa lagu sheegay  in Gobolka lagu magacaabo Rakhine ee Dalka Myanmar oo ah kan ugu badan oo ay Ciidamada Dalkaasi ka saareen Dadkii hore u degganaa ee Muslimiinta Rohingya ay tahay arrin gabbood fal ah oo lagula kacay Muslimiinta laga tira badan yahay, kuwaasoo badankooda u cararay Dalka Bangaladesh halkaasoo loogu sameeyay Xerooyin ku meel gaarka ah.

Amnesty ayaa sheegtay in ugu yaran Afar Masaajid oo ay ku cibaadaysan jireen Muslimiinta Rohingya la burburiyay dhamaadkii Bishii Disember ee Sanadkii tagay, waxaana la sheegay in Ciidamada Maymar ay ka celinayaan Dadka barakacyaasha inay Guryahoodii dib ugu soo laabtaan.

Waxa kaloo ay Hay’adda Amnesty caddeysay in Ciidamada kala duwan ee Dowladda Myanmar ay Dhulka ku dareen Guryo fara badan, iyagoo halkaasi ka billaabay inay ka dhisaan ugu yaraan 3 Saldhig oo loogu tala galay in lagu cabburiyo Muslimiinta reer Rohingya.

Warbixinta ayaa waxaa qeyb ka ah in saldhiyada Militariga dhismahooda la soo billaabay Bishii jannaayo ee Sanadkan 2018-ka, iyadoo dhismayaashani ay ka soconayaan Gobolka galbeed ee Rakhine oo ay ka barakaceen Dad lka badan 700,000 oo ka mid ah Qoomiyadda  Muslimiinta ah ee Rohingya .

Agaasimaha la tacaalidda dhibatooyinka ee hay’adda Amnesty International, Haweeneyda lagu magacaabo, Tirana Xassan ayaa sheegtay in waxyaabaha ka socdo Gobolka Rakhine ay yihiin Dhulka Qoomiyadda  Rohingya oo si baahsan loo boobaya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip