Qaramada Midoobay oo Soo Dhawaysay Heshiiskii Ay Gaareen Uhuru Keyatta iyo Railla Odinga

0
Tuesday March 13, 2018 - 16:05:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 142
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaramada Midoobay oo Soo Dhawaysay Heshiiskii Ay Gaareen Uhuru Keyatta iyo Railla Odinga

    Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa Antonio Guterres, ayaa soo dhaweeyay wada hadalladii dhawaan Magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Keyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Railla Odinga.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xoghayaha guud ee Jimciyadda Qaruumaha ka dhaxaysa Antonio Guterres, ayaa soo dhaweeyay wada hadalladii dhawaan Magaalada Nairobi ku dhex maray Madaxweynaha Dalka Kenya Uhuru Keyatta iyo hoggaamiyaha mucaaradka Railla Odinga.


Antonio Guterres, ayaa hadal uu xafiiskiisa ka soo saaray, wuxuu sidoo kale ku taageeray sida ay Labada hoggaamiye uga go’an tahay inay ka wada shaqeeyaan midnimo qaran iyo sida ay u abuureen jawi saaxiibtinimo oo hor leh, kaasoo Dhabbaha u xaadhaya siyaasiyiinta kale ee Kenya iyo guud ahaan shacabka oo ah mid dhalin karta kalsooni.

Taageerada Qaramada midoobay ayaa kusoo aadaysa iyadoo ay Maalinnimadii Shalay kulan ballaadhan ku yeesheen Magaalada Nairobi Madaxweyne Keyatta iyo madaxda Isbahaysiga NASA , si ay u bogaadiyaan wada hadalkii dhexmaray Uhuru iyo Odinga 9-kii Bishan.

Siyaasiyiinta mucaaradka Kenya ayaa sheegay in ay hakiyeen kulamadoodii ay uga soo horjeedeen xukuumadda hadda talada haysa iyo Madaxweyne Uhuru Keyatta, iyagoo ballan-qaaday in ay mideyn doonaan Dadka Kenya oo siyaasadda ku kala qaybsanaa.

Isbahaysiga NASA, ayaa sheegay in ay soo dhaweeyeen isbeddelka cusub ee ka dhacay Dalka Kenya , inkastoo ay ka digeen in Dowladda aysan fulin waxyaabihii laga hadlay oo ay ka mid yihiin wax ka qabasho la’aanta arrimaha Dhulalka, taasoo inta badan sabab u ah Khilaafaadka jira.

Uhuru Kenyatta iyo Railla Odinga ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay isku mari la’aa doorashooyinkii dhacay Bishii Oktoobar ee Sanadkii hore, taasoo ay ku dhinteen Dad fara badan oo kala taageerayay Labada dhinac, iyagoo ugu dambeynna Todobaadkii tagay dabayaaqadiisii ka heshiiyay xurguftii dhex tiillay, Dalka Kenyana u furay bog cusub oo wax wada qabsi ah.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip