Guddoomiye Jawaari "Shirkad in Ay u Gafto Qarannimada Soomaaliya Wax La Qaadan Karo Ma'aha"

0
Monday March 12, 2018 - 22:37:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 191
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Jawaari "Shirkad in Ay u Gafto Qarannimada Soomaaliya Wax La Qaadan Karo Ma'aha"

    Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in wax la qaadan karo aanay aheyn in Shirkad ay u gefto Qaranimada iyo bedqabka dhulka Soomaaliyeed.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in wax la qaadan karo aanay aheyn in Shirkad ay u gefto Qaranimada iyo bedqabka dhulka Soomaaliyeed.

Jawaari ayaa sheegay in marka la galayo Heshiisyada caalamiga ay tahay in loo maro marinkii haboonaa iyo shuruucdaa u taalla dalka, balse Shirkadda DP World ay garab martay habka ay u gashay heshiiyadaas.

"Shirkadda tani wey garab martay habka ay u gashay heshiisyadaas, wuxuu taabanayaa siyaadada Qaranimada iyo bedqabka dhulka Soomaaliyeed, waa bareer in shirkadda ku hadasho hadalo gef ku ah Jamhuuriyadda, wax la qaadan karo ma ahan”ayuu yiri Guddoomiye Jawaari.

Guddoomiye Jawaari ayaa sidoo kale tilmaamay in aanay weerar ku aheyn dowladda Imaaraadka, isla markaana aysan dowladdooda iyo shacabkooda waxba ka sheegeyn, balse habka ay heshiiska u martay Shirkadda DP World uu yahay mid gurracan.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa maanta ansixiyay xeer dalka ka mamnuucaya Shirkadda DP World, kaddib markii ay heshiisyo muran badan dhaliyay oo ku saabsan Dekedaha Berbera iyo Boosaaso ay la gashay Somaliland iyo Puntland.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip