Ilaalada Madaxtooyada oo Rasaaseeyay Gaari uu Lahaa Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

0
Monday March 12, 2018 - 16:31:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 223
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ilaalada Madaxtooyada oo Rasaaseeyay Gaari uu Lahaa Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka

    Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Isgoyska Taalada Sayidka ayaa maanta barqadii rasaas ku furay gaari uu lahaa Hnati Dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya ee fariisinka ku leh agagaarka Isgoyska Taalada Sayidka ayaa maanta barqadii rasaas ku furay gaari uu lahaa Hnati Dhowrka Guud ee Qaranka Maxamed Cali Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya in gaarigan oo ahaa nuuca aan xabadaha karin ayaa isku dayay inuu xoog ku maro halka ciidamada ku sugnaayeen, iyadoo ciidamada ay ku amreen inuu istaago, balse ka dhega adeegay, waxaana lagu furay rasaas ka dhacday qoriga Dhashiikaha oo saarnaa gaariga loo yaqaano Cabdi Bile oo ku sugnaa agagaarka Isgoyska

Ilaalada ayaa la sheegay in gaariga ay ka banjariyeen lugaha, waxaana darawalkii waday la uu isku xiray albaabada, isagoo diiday inuu ka soo baxo, waxaa gaariga uu muddo saacado ah uu ku sugnaa wadada dhinaceeda.

Xilliga gaariga la rasaaseynayay ayaa la sheegay in aanu la socon Hanti Dhowraha Maxamed Cali Afgooye, waxaana dhacdadan ay aheyd mida ugu hadal heynta badan ee saaka magaalada la isla dhex marayay.

Ciidamada ammaanka ayaa saaka si aad ah u adkeeyay ammaanka magaalada, iyagoo isgoysyada waddooyinka la dhigay ciidamo fara badan, waxaana saaka shir ku lahaa Xarunta Golaha Shacabka Xildhibaanada Baarlamaanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip