Guddoomiyaha Eng. Yarisow iyo Saraakiisha Amniga oo Xalay kormeeray Isgoysyada Jidka Sodonka iyo Warshadaha -Sawirro

0
Monday March 12, 2018 - 09:00:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 132
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha Eng. Yarisow iyo Saraakiisha Amniga oo Xalay kormeeray Isgoysyada Jidka Sodonka iyo Warshadaha -Sawirro

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir, Saraakiisha Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay kormeeray Isgoysyada Wadad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho C/raxmaan Cumar Cusmaan, Taliyaha Booliska Soomaaliyeed Bashiir Cabdi Maxamed, Guddoomiye kuxigeenka 1aad ee Gobolka Banaadir, Saraakiisha Booliska iyo Nabadsugida ayaa xalay kormeeray Isgoysyada Wadada Warshadaha iyo Sodonka, halkaasoo Ciidamada amniga ku leeyihiin baro koontarool.

Isgoysyada ay Mas’uuliyiinta kormeereen ayaa kala ahaa Isgoyska Baar Ubax, Cali Kamiin, Warshada Caanaha, Ex Koontarool Balcad, Saldhigga degmada Huriwaa, Suuqa Xoolaha Illaa Xero Maslax, waxaana ujeedka kormeerkan uu ahaa mid loogu kuur galayay amniga.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Bashiir ayaa sheegay in kormeerkan uu qeyb ka yahay dhiira gelinta ciidamada amniga iyo xoojinta nabadgelyada magaalada, waxaana uu kula dardaarmay Ciidamada in waajibaadkooda u gutaan si daacadnimo ah.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir C/raxmaan Cumar Cusmaan ayaa sheegay in magaalada Muqdisho ay soo martay marxalad kala duwan oo adag, haatan ay ku jirto xilli wanaagsan oo u baahan in la sii xoojiyo.

Waxaa uu sheegay in ciidamada amniga looga baahan yahay inay xaqiijiyaan amniga, isla markaana shacabka ay wada shaqeyn dhow la yeeshaan.

Qeybaha ay xalay kormeereen Mas’uuliyiintan ayaa waxaa ka dhacayay maalmihii la soo dhaafay weeraro iyo dilal qorsheysan oo ugu dambeysay illaa saddex qof oo mid askari uu ahaa oo shalay lagu dilay agagaarka Labaajada Mahad Alle ee Wadada Warshadaha.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip