Iska Hor imaad Xalay Degmada Kaxda Ku Dhex Maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab

0
Monday March 12, 2018 - 08:51:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Iska Hor imaad Xalay Degmada Kaxda Ku Dhex Maray Ciidamada Dowladda iyo Al-Shabaab

    Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Kaxda ee Koofur galbeed ee magaalada Muqdisho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamo ka tirsan kuwa Nabadsugida iyo maleeshiyo hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa xalay ka dhacay degmada Kaxda ee Koofur galbeed ee magaalada Muqdisho.

Iska hor imaadkan ayaa ka dambeeyay, markii ciidamo uu horkacayay Taliyaha Nabadsugida degmada Kaxda ay weerar ku qaadeen Qabuuraha degmada Kaxda ee loo yaqaano Boqolka Boos, halkaasoo ay ku sugnaayeen koox hubeysan oo ka tirsan Shabaab.

Weerarkan ayaa jawaab u ahaa askari ka tirsan ciidamada dowladda oo shalay gelinkii dambe lagu dilay Kaxda, kaasoo laga qaatay qorigii uu watay.

Iska hor imaadka xalay ka dhacay Qabuuraha degmada Kaxda ayaa waxaa ku dhintay hal askari, inkastoo aan la ogeyn khasaaraha soo gaaray dhinaca kale.

Dadka ku dhaqan degmada Kaxda ayaa sheegaya inay xalay maqlayeen rasaas culus oo ka dhacayay dhanka qabuuraha degmada, iyagoo ay soo wajahday cabsi.

Xaalada degmada Kaxda ayaa saaka degan, waxaana isu socodka iyo ganacsiga deegaanka uu yahay mid caadi u socda oo aan wax saameyn ku yeelan iska hor imaadkii xalay.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip