Madaxweynaha Ruushka oo Lahaa Amarkii Lagu Soo Riday Diyaarad Shacab ah Sanadkii 2014

0
Monday March 12, 2018 - 08:42:42 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 174
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Ruushka oo Lahaa Amarkii Lagu Soo Riday Diyaarad Shacab ah Sanadkii 2014

    Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ahaa amarkii lagu soo riday diyaarad shacab oo ay saarnaayeen 110 ruux oo lagu soo riday dalka Ukraine sanadkii 2014.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa ahaa amarkii lagu soo riday diyaarad shacab oo ay saarnaayeen 110 ruux oo lagu soo riday dalka Ukraine sanadkii 2014.

Muuqaal soconaya 2 saacadood oo laga duubay Madaxweyne Putin, laguna soo bandhigay Internet-ka ayuu sheegay in lagu wargeliyay diyaarad ka timid Ukraine, una socotay Turkiga oo la afduubtay ay wadday Bam la doonayay in lagu qarxiyo ciyaarihii Olimbikada ee ka socday magaalada Sochi.

Xogta la siiyay Madaxweynaha ayaa aheyd mid qaldan ayaa keentay inuu amar ku bixiyo in la soo rido diyaarada.

"Waxaa la ii sheegay in diyaarad ka timid Ukraine, kuna soo jeeday Istanbul la qabsaday, kuwa qabsaday ay dalbadeen in lagu dejiyo magaalada Sochi”ayuu yiri Putin muuqaalkii laga duubay, sida ay soo warisay Wakaaladda wararka Reuters.

Putin ayaa sheegay in saraakiisa sirdoonka ay u sheegeen in nidaamka uu yahay in haddii xaalad tan oo kale ay soo kororto in ay qasab tahay in diyaaradda lasoo rido, kadibna uu amar ku bixiyay in lasoo rido diyaaradda oo ay saarnaayeen 110 qof oo shacab ah.

Duuliyeyaasha diyaaradda Turkish Pegasus oo nooceedu ahaa Boeing 727-800 ayaa soo tabiyay in qof rakaab ah uu wato bam, diyaaradana uu ku amray in diyaarada meel kale loo weeciyo.

Filimkan ayaa la sii daayay, iyadoo lagu wado in 18-ka bishan March uu Ruushka ka dhaco doorashada Madaxtinimada dalkaas, waxaana Madaxweyne Putin uu wajahayaa caqabado kala duwan, balse lama filayo in ay saameyn ku yeelato doorashadiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip