Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maalinta Berri Kulan Ka Yeelanaya Heshiiskii Dekeda Berbera

0
Sunday March 11, 2018 - 22:30:56 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 164
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka oo Maalinta Berri Kulan Ka Yeelanaya Heshiiskii Dekeda Berbera

    Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri yeelanaya fadhigii 1aad ee Kalfadhiga 3aad, kaddib markii shalay si rasmi ah loo furay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa maalinta berri yeelanaya fadhigii 1aad ee Kalfadhiga 3aad, kaddib markii shalay si rasmi ah loo furay.

Sida ay sheegayaan warar ku dhow dhow xafiiska Guddoonka Baarlamaanka ayaa sheegaya in kulanka berri oo Isniin ah dhacaya looga hadlayo ajandayaal ay ka mid yihiin xeer hoosaadka iyo Heshiiskii Dekeda Berbera.

Xildhibaanada ayaa caawa farriimo qoraaleed loogu diray kulanka berri dhacaya iyo ajandayaasha looga doodayo.

Waxaa la filayaa inuu noqdo kulan ay hareeyaan doodo culus iyo su’aalo adag oo la iska weydiinayo heshiiskii Dekeda Berbera ee saamiga ay ku qeybsadeen Shirkadda DP World, Somaliland iyo dowladda Itoobiya.

Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dhowaan sharci darro ku tilmaamtay heshiiskaas oo la saxiixay xilli Ra’iisul Wasaaraha ku sugnaa Imaaraadka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip