Muddada Xil Heynta Madaxweynaha Dalka Shiinaha oo Meesha Laga Saaray

0
Sunday March 11, 2018 - 17:22:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 140
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muddada Xil Heynta Madaxweynaha Dalka Shiinaha oo Meesha Laga Saaray

    Barlamanka Shiinaha ayaa isku raacay soo jeedin Xisbiga Shuuciga ee tallada haya uu ku dalbanayay in aan la xadidin mudada uu xilka heynayo Madaxweyne Xi Jingping.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Barlamanka Shiinaha ayaa isku raacay soo jeedin Xisbiga Shuuciga ee tallada haya uu ku dalbanayay in aan la xadidin mudada uu xilka heynayo Madaxweyne Xi Jingping.


Xubnaha Barlamanka oo ka kooban Saddex Kun ayaa sidoo kale isku raacay in wax ka badal lagu sameeyo dastuurka.  2958 xubnood ayaa ku codeeyay "haa”  waxaa kasoo horjeestay labo xubnoiod halka Saddex kalane ay ka aamuseen.

Go’aankaan waxa uu ka dhigan yahay in Madaxweynaha uu xukunka heyn karo inta uu nool yahay.

Sida horay uu u ahaa dhaqanka iyo Dastuurka Shiinaha, waxa uu Madaxweynaha xilka heyn karaa muddo labo  mar oo u dhiganta 10 sano.

Madaxwayne Xi Jinping ayaa loo arkaa in uu dhidibada u sii aasayo awoodiisa,isaga oo qaaday tallaabooyin dheeri ah oo uu kula dagaalamayo musuq maasuqa taasi oo la rumeysan yahay in sare u qaadan sumcadiisa.

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa goor sii horeysay ammaanay hanaanka Maamul ee shiinaha oo uu sheegay in ay tahay in mar un uu tijaabiyo Mareykanka.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip