Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Cabasho u Gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka -Akhriso

0
Sunday March 11, 2018 - 17:09:37 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 141
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ganacsatada Gobolka Banaadir oo Cabasho u Gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka -Akhriso

    Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaaradda Maaliyadda oo ku aadan canshuur kordhintii u gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ganacsatada Gobolka Banaadir ayaa cabasho ka dhan ah Wasaaradda Maaliyadda oo ku aadan canshuur kordhintii u gudbiyay Guddoonka Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka.

Warqada cabashada ee Ganacsatada ayaa lagu sheegay in aysan diidaneyn in canshuur bixiyaan, hase ahaatee ay diidan yihiin canshuur kordhinta xad-dhaafka.

Sidoo kale Ganacsatada ayaa sheegay in canshuurta lagu kordhiyay ay gaareyso wax ka badan 30%, isla markaana warka ka soo yeeray Wasaaradda Maaliyadda ee ah 5% uu yahay mid aan waxba ka jirin.

Ganacsatada ayaa ka codsaday Guddoonka Baarlamaanka inay wax ka qabtaan arrintan, iyagoo la wadaagay qoraal ku aadan xaqiiqada canshuurta xad-dhaafka ee lagu soo rogay Ganacsatada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip