Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Digniin Culus u Dirtay Shirkadaha Shisheeye

0
Saturday March 10, 2018 - 23:00:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 166
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Federaalka Soomaaliya oo Digniin Culus u Dirtay Shirkadaha Shisheeye

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo khudbaddiisii Dastuuriga ahayd ka jeediyey kalfadhiga seddexaad ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dalka ay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo oo khudbaddiisii Dastuuriga ahayd ka jeediyey kalfadhiga seddexaad ee labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa sheegay in aysan oggolaan doonin in dalka ay shirkado iska maamushaan ama ay ka fuliyaan mashaariic aysan ogeyn dowladda dhexe ee Soomaaliya.


Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa sidoo kale khudbadiisa kaga hadlay arrimo badan oo ay ka mid tahay shirkadaha shisheeye ee dalka Soomaaliya ka howl gala.

…Ma jirto cid maal-gashi dalka ka sameyn karta iyadoo aan fasax ka heysan Dowladda Fedaraalka ah ee Soomaaliya.ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa hadalkiisa ku daray in ay  uga digayaa Wadamada iyo Shirkadaha Shisheeye in aysan ku Xad gudbi karin Madax-banaanida iyo Qaranimada Soomaaliya

Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aysan ogolaan doonin wax kasta oo dhaawacaya Midnimada, Madaxbanaanida iyo Sharafta Shacabka Soomaaliyeed cid kasta oo isku daydana ay ka hor tagi doonaan.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay soo dhaweyn doonto cidii sameynaysa wax waafaqsan dastuurka, Shacabka Soomaaliyeedna dani ugu jirto.

Madaxweyne Farmaajo hadalkiisa ayaa waxa uu kusoo aadayaa xilli Dowladda Soomaaliya ay Jaamacadda Carabta waraaq ka dhan ah Wadanka Isutaga Imaaraatka Carabta oo ay ku eedeeyeen in uu ku xad gudubtay midnimada iyo madax bannaanidda Soomaaliya.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip