Ciidamada dowladda oo Saaka La Wareegay Deegaanka Gamboole ee Gobalka Shabeellaha Dhexe

0
Saturday March 10, 2018 - 10:35:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 236
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada dowladda oo Saaka La Wareegay Deegaanka Gamboole ee Gobalka Shabeellaha Dhexe

    Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya ayaa saaka la wareegay deegaanka Gamboole oo qiyaastii 50KM dhanka Galbeed ka xiga magaalada Jowhar ee xarunta Gobolka Shabeellaha Dhexe.

Sida ay wararku sheegayaan ciidamadan sida gaarka u tababaran ee loo yaqaano Danab ayaa saaka gudaha u galay deegaankaas, kaddib markii ay isaga baxeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in aanay jirin wax dagaal ah oo ka dhacay deegaanka, iyadoo qeybaha kala duwan deegaankaas lagu arkayo ciidamo uu wajiga u xiran yahay.

Al-Shabaab ayaa ku lahaa deegaanka Gamboole saldhig iyo Maxkamad, waxaana halkaas looga yeeri jiray dadka isku heysta dacwadaha iyo sidoo kale Ganacsatada oo looga qaadayay lacagaha loogu yeero Zakawaadka.

Waxaa lagu waday in maanta deegaanka Gamboole ku kulmaan Ganacsatada Jowhar iyo Al-Shabaab oo la sheegay inay ku soo rogeen inay bixiyaan lacago canshuuro ah oo laga qaadayo shixnadaha ganacsi ee ay kala yimaadaan magaalada Muqdisho.

Lama oga in ciidamada ay ku sugnaanayaan deegaanka Gamboole iyo in kale, waxaana dhowr jeer jiray deegaano ay Ciidamada dowladda qabsadeen oo ay dib isaga soo baxeen




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip