Kalfadhiga Sedexaad ee Baarlamaanka Laba Aqal oo Lagu Wado in uu Maanta Furmo iyo Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya.

0
Saturday March 10, 2018 - 07:19:16 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 281
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalfadhiga Sedexaad ee Baarlamaanka Laba Aqal oo Lagu Wado in uu Maanta Furmo iyo Madaxweynaha oo khudbad ka jeedinaya.

    Kalfadhiga sedexaad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in si wadajir ah loo furo, kadib muddo labo bilood ah oo ay fasax ku jireen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kalfadhiga sedexaad ee Baarlamaanka labada Aqal ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa lagu wadaa in si wadajir ah loo furo, kadib muddo labo bilood ah oo ay fasax ku jireen.


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa lagu wadaa in uu  khudbad ka jeediyo kalfadhiga, isla markaana si rasmi ah u  furo

Xafladda  furitaanka ayaa waxaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha Baarlamaanada dowlad goboleedyada Dalka.

Munaasabadda ayaa la sheegay in ay noqon doonto mid furitaan kaliyah, oo ay khudbado ka jeedinayaan Madaxweynaha iyo Guddoonka Labada Aqal.

Madaxweyne Farmaajo khudbadda uu ka jeedinayo kalfadhiga ayaa laga sugayaa in uu ka hadlo xaaladda dalka, arrinta muranka ka taagan yahay ee Dekedda Magaalada Berbera oo todobaadyo ka hor heshiis saddex geesood ah ay wada galeen shirkadda DP World, Itoobiya iyo Somaliland.

Waxaa aad loo adkeeyey ammaanka Magaalada Muqdisho, iyadoo qaban-qaabada Munaasabadda furitaanka si aad ah looga dareemayo Magaalada.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip