Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo La Kulmay Raila Odinga

0
Friday March 09, 2018 - 21:58:30 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta oo La Kulmay Raila Odinga

    Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka ah ee Raila Odinga ayaa markii ugu horeysay wada kulmay tan iyo doorashadii ka dhacday dalkaasi.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo hogaamiyaha Mucaaradka ah ee Raila Odinga ayaa markii ugu horeysay wada kulmay tan iyo doorashadii ka dhacday dalkaasi.


Kulanka dib Uhuru Kenyatta iyo Raila Odinga ayaa si wada jir ah ula hadlay saxaafadda ka isla markaana balan qaaday in ay bilaabayaan geedi socod dib u heshiisiinta.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay in Raila Odinga uu yahay Walaalkii, isla markaana ay billaabayaan geedi socodka ay wada xaajoonayaan halka ay dhibaatada iyo kala qeybsanaanto ka timid.

Hogaamiyaha Mucaaradka Kenya Mr.Odinga ayaa dhankiisa sheegay in la joogo waqtigii la xalin lahaa dhibaatada ama khilaafka u dhexeeyaa isaga iyo Kenyatta.

Doorashadii guud ee Kenya ayaa markii hore la qabtay bishii August ee sanadkii 2017 waxaana ku guuleystay Uhuru kenyatta, balse Maxkamada sare ayaa amartay in dib loogu celiyo , iyada oo sheegtay in guushii Mr Kenyatta ay wax isdabamarino badan hareeyeen.

Waxaa ku guuleystay doorashadii ku celiska ahayd ee Kenya ka dhacday bishii October ee sanadkii 2017 Uhuru Kenyatta, taasi oo Mr. Odinga uu qaadacay.

Madaxweyne Kenyatta ayaa markii labaad xilka loo dhaariyay bishii November ee sanadkii aanu soo dhaafnay.

Bilowgii sanadkan, Mr. Odinga ayaa isu dhaariyey Madaxweynaha shacabka waxa uuna diiday in uu Mr. Kenyatta u aqoonsado in uu doorashada ku guuleystay oo uu Madaxwayne yahay.

Khilaafka ka dhashay Doorashadii Kenya ayaa la sheegay in ay ku dhinteen 150 qof .




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip