Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Urdun -Sawirro

0
Wednesday March 07, 2018 - 21:41:34 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 138
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya oo La Kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha Dalka Urdun -Sawirro

    Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo ku sugan Dalka Aljeeriya, kagana qeyb gali doona shirka 35 ee Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dalalka Carabta, ayaa maanta la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Dalka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Abuukar Isloow oo ku sugan Dalka Aljeeriya, kagana qeyb gali doona shirka 35 ee Wasiirada Arrimaha Gudaha ee Dalalka Carabta, ayaa maanta la kulmay Wasiirka arrimaha gudaha Dalka Urdun Mudane Samiir Al-mubiiydayn, iyaggoo kawada hadlay arrimo badan oo quseeyo labada dal.

Wasiir Isloow, ayaa Wasiirka arrimaha gudaha Urdun warbixin kasiiyey Xaaladda Amni ee Soomaaliya, sida ay u shaqeyso Wasaaradda Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo in qaabka Ciidammada AMISOM ay uga baxayaan dalka markii uu dhammaado waqtigooda.

Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa Wasiirka arrimaha gudahaka codsaday kobcinta awooda Ciidanka Soomaaliya, Tababaro iyo agab in lagu kaabo hay’addaha Amaanka , in la iska kaashado Amniga iyo Khibradaha, in la sameeyo xog is weydaarsi u dhaxeeya Hay’addaha Amniga iyo in la saameeyo guddi heer wasiir ah oo kawada shaqeeya arrimaha amniga.

Dhinaca kale Wasiirka Amniga Gudaha ayaa Galabta ku qaabilay deegaankiisa Maamulaha Jaamacada Naayif alcarabiya ee culuumta amniga Dr C/majiid bin C/lla Al-bunyaan, isaggoo wasiir ducaale u hambalyeeyay Dr: C/majiid oo dhowaan loo doortay Maamulaha Jaamacadda, Halkaas oo ay kaga wada hadleen siddii ay Jaamacada uqu qaban lahayd Booliska & Ciidamada Amniga tababaro kala duwan loogana heli lahaa waxbarasho bilaasha oo loogu deeqo Booliska iyo Amniga.

Wuxuu balan qaaday maamulaha jaamacada inuu diyaar u yahay wax alaala waxii lagu horumarinayo Ciidammada Soomaaliya, gaar ahaan (Booliska) lana kala saxiixan doono heshiis u dhaxeeya Wasaaradda & Jaamacada.









Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip