Ciidamada Ammaanka oo Howlgal Lagu Soo Qabtay Boqolaal Ruux Ka Sameeyay Magaalada Muqdisho

0
Wednesday March 07, 2018 - 10:51:09 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 187
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Ammaanka oo Howlgal Lagu Soo Qabtay Boqolaal Ruux Ka Sameeyay Magaalada Muqdisho

    Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl gal xalay ciidamada Xasilinta Caasimadda ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan, kaasoo lagu qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo guryaha laga soo saaray.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya howl gal xalay ciidamada Xasilinta Caasimadda ka sameeyeen xaafado ka tirsan degmada Hodan, kaasoo lagu qabtay boqolaal dhalinyaro ah oo guryaha laga soo saaray.

Howl galkan ayaa qeyb ka ah howl galada ay dhowaan ku dhawaaqday Xukuumadda ee ku aadan sugida amniga Caasimadda.

Howl galkii xalay ayaa laga sameeyay xaafadaha Taleex, Zone K iyo Siigaale, iyadoo ciidamada ay guryaha baarayaan, isla markaana dhalinyarada banaanka u soo saaray.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in boqolaalka ruux ee lagu qabtay intii howl galka socday la isugu keenay meel fagaare ah, kaddibna la sii daayay.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha ammaanka iyo maamulka degmada Hodan oo ku aadan howl galka xalay laga sameeyay degmada.

Ciidamada ammaanka ayaa maalmihii la soo dhaafay xoojiyay howl galada, kaddib markii ay todobaadyo ka hor magaalada ka dhaceen qaraxyo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip