Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo Ka Hadlay Howl Galada Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

0
Wednesday March 07, 2018 - 10:09:44 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 156
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Mareykanka ee AFRICOM oo Ka Hadlay Howl Galada Ka Dhanka Ah Al-Shabaab

    Taliska Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka warbixiyay howl galada ay ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliska Mareykanka u qaabilsan Afrika ee loo yaqaano AFRICOM ayaa ka warbixiyay howl galada ay ka wadaan Soomaaliya, gaar ahaan duqeymaha cirka ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidamada Mareykanka ee AFRICOM Gen.Thomas D. Waldhauser oo su’aalo uga jawaabay Guddiga Arrimaha Ciidamada ee Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa sheegay in howl galkooda Soomaaliya uu qeyb ka yahay dadaalada caalamiga ee lagu taageerayo dowladda Soomaaliya.

Waxa uu sheegay in qatarta Al-Shabaab ay walu taagan tahay, isagoo xusay in bishii October ay Muqdisho ka geysteen qarax weyn oo ay ku dhinteen in ka badan 500 oo ruux.

"Ma dhahayo qatar way dhamaatay laakiin inaga oo ku saleyneyna qaar ka mid ah howlaha aan qabanay oo ay barbar socdaan wada shaqeynta saaxiibadeena kale ee caalamka ayaan waxa aan dhihi karnaa taasi waxa ay sabatay in Shabaab ay maamulaan dhul yar, 14-kii October waxaa jiray qarax weyn oo ka dhacay Muqdisho, kadib waxa ay maqnaayeen Afar bil hadana dhamaadkii February Muqdisho ayay qarax ka geysteen, weli kooxdan si buuxda loogama guuleysan, laakiin waxa aan rabno hada ayaa ah in Ciidamada qalabka ay sida ay maareeyaan sifeynta kooxdan”ayuu yiri.

Mar wax laga weydiiyay weerarkii sanadkii hore ka dhacay Bariire oo lagu dilay dad rayid ah oo carruur ay ku jiraan ayuu sheegay in aanay halkaas Ciidamadooda dagaal toos aanay ku lug yeelan, waxaa uu tilmaamay in aanay dumar iyo carruur ku dhiman howl galkaas, balse arrintan ay kala cadeyn doonaan, isla markaana uu baaritaan socdo.

Taliska Mareykanka ee AFRICOM ayaa kordhiyay weerarada cirka ah ee ay ka geysanayaan Koofurta Soomaaliya, waxaana bishii hore ee February ay fuliyeen illaa saddex weerar oo duqeymo ah ka dhacay Jubbooyinka.

Sanadkii la soo dhaafay ayaa waxaa la sheegay inuu kordhay weerarada cirka ee Mareykanka ka fuliyo Soomaaliya, kaasoo lagu dilay xubno dhowr ah oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jireen saraakiil sar sare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip