Ciidamada Dowlada SYRIA oo Markale Hor istaagay Kolonyo Gargaar u Siday Quta

0
Tuesday March 06, 2018 - 10:50:39 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 197
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciidamada Dowlada SYRIA oo Markale Hor istaagay Kolonyo Gargaar u Siday Quta

    Ciidamada dowlada Siiriya ayaa la sheegay inay duqeyn la beegsadeen Kolonyo gaadiid gargaar u siday deegaanka go'adoonka ku jira ee bariga-Quta, gaadiidkaasi oo ay lahayd hay'ada bisha Cas.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada dowlada Siiriya ayaa la sheegay inay duqeyn la beegsadeen Kolonyo gaadiid gargaar u siday deegaanka go'adoonka ku jira ee bariga-Quta, gaadiidkaasi oo ay lahayd hay'ada bisha Cas.


Gargaarkan ayaa ahaa kii ugu horeeyey oo deegaankaasi gaara, afartan gaari oo nooca xamuulka ah ayaa daawo iyo gargaarka deg degta ah u waday shacabka ku dhibaateysan dhulka dagaalka ka socdo, waxaana shalay u ogolaaday inay halkaasi tagaan dowlada Siiriya.

Balse shaqaalaha gargaarka ayaa ku khasbanaaday kadib markii duqeyn lagu bilaabay deegaankii ay ku dajinayeen rarkii iyo mucaawinadii ay sideen, taasi oo ku khasabtay inay dib uga soo baxaan deegaankaasi iyagoo aan gargaar la gaarin inta badan goobihii ay doonayeen.

Ciidamada Dowlada Siiriya ayaa gaadiidkan intii aysan u fasaxin inay galaan bariga Quta, ka dajiyey gargaarkaasi dhamaan qalabkii caafimaadka ee loogu talo galay qaliinka deg degta ah, maadaama ay dad badan oo dhaawac ah ku jiraan xaafadaha ay duqeynta ku socoto.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip