Dowladda Turkiga oo Dhar Ciidan ugu Deeqay Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya

0
Monday March 05, 2018 - 10:20:25 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 150
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Turkiga oo Dhar Ciidan ugu Deeqay Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya

    Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ka guddoomay dowladda Turkiga dhar ciidan oo loogu tala galay Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya, kaddib munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Milateriga ee Turkiga ku leeyihiin Jaziira.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Saraakiisha ciidanka xoogga dalka ayaa ka guddoomay dowladda Turkiga dhar ciidan oo loogu tala galay Ciidamada Cirka iyo Badda Soomaaliya, kaddib munaasabad ka dhacday Dugsiga Tababarka Milateriga ee Turkiga ku leeyihiin Jaziira.

Saraakiil ka tirsan ka socotay Wasaaradda Gaashaandhiga Turkiga ayaa ku wareejiyay dareyskan Abaanduulaha Ciidanka xoogga dalka Jen. C/llaahi Caanood, Taliyeyaasha Ciidamada Badda iyo Cirka Maadey Nuurow Sheekh Ufurow iyo Maxamuud Sheekh Cali Dable Baylood.

Taliyaha Ciidamada Badda Maadey Nuurow Sheekh Ufurow ayaa sheegay in deeqdan ay tahay tii labaad oo soo gaarta Ciidamadda Badda, waxaana uu balanqaaday inay u maareyn doonaan sidii loogu tala galay.

Abaanduulaha ciidanka xoogga dalka Jen. C/llaahi cali Caanood ayaa uga mahadceliyay dowladda Turkiga sida ay u garab taagan yihiin ciidanka xoogga dalka, isagoo tilmaamay in deeqdan dharka ay dhiira gelineyso Ciidamada Badda iyo Cirka oo ka mid ah ciidanka xoogga dalka.

Ciidamada Badda iyo Cirka ayaa ka mid ahaa ciidamadii ugu xoogganaa ee ay laheyd Soomaaliya ee burburay kaddib 1991-dii, waxaana ciidamadan xilligan aanay heysan qalabkii iyo adeegyadii ay u baahnaayeen, sida maraakiibta iyo diyaaradaha dagaalka, waxaana dhismaha ciidankan ay qaadan doontaa in muddo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip