Dowladda Kenya oo sheegtay in Muwaadiniin Kenyan ah ay Al-Shabaab Ku Dileen Soomaaliya

0
Wednesday February 14, 2018 - 21:43:23 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 208
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladda Kenya oo sheegtay in Muwaadiniin Kenyan ah ay Al-Shabaab Ku Dileen Soomaaliya

    Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ururka Al-Shabaab ay ku dileen muwaadiniin Kenyan ah deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dowladda Kenya ayaa shaacisay in ururka Al-Shabaab ay ku dileen muwaadiniin Kenyan ah deegaano ka mid ah gobolka Sh/hoose.

Warkan ka soo baxay dowlada Kenya ayaa sidoo kale lagu sheegay in raggan loogaga shakiyay inay u basaasayeen ciidamada Kenya.

Labada ruux oo lagu diley deegaanka Kuunya Barrow ayaa waxay ka soo jeedeen gobolka Marsabit iyadoo magacyadooda lagu kala sheegay Xasan Yuusuf iyo Maxamed Xasan.

Dilkan ayaa la sheegay inuu dhacay 12kii bishan iyadoo Al-shabab ay ku eedeeyeen raggan inay la shaqeynta ciidanka Kenya.

Sidoo kale dowlada Kenya ayaa waxa ay sheegtay in tiro kabadan labaatan ruux oo Kenyan ay Alshabeen ku dileen gudaha dalka Soomaaliye.

Warbixin ay soo saartay dowlada Kenya ayaa waxaa ay ku sheegtay magacyada qaar kamid ah ragga ay dileen Al-shabaab waxaana ka mid ahaa Jared Mokaya, Faraj Abdulmajid, Ahmed Yusuf, Ahmed Nur, Abdi Osoble, Abdullah Talal iyo Hashim Othman.

Dowladda Kenya sheegtay in xukunka raggaas ay gaartay Maxkamad Al-shabaab ay leeyihiin oo ku taalla degmada Jamaame ee Gobolka Jubada dhexe.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip