Wasiirka Howlaha Guud oo Ka Haray Tartanka Kursigii uu Ka Geeriyooday Cabaas Siraaji.

0
Wednesday February 14, 2018 - 16:50:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 228
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Howlaha Guud oo Ka Haray Tartanka Kursigii uu Ka Geeriyooday Cabaas Siraaji.

    Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ugu dambeyn go'aansaday inuu isaga haro tartanka Kursigii Xildhibaannimo ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabaas C/llaahi Siraaji oo lagu wado in maalmaha soo so

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiirka Howlaha Guud iyo Dib u Dhiska Xukuumadda Soomaaliya Saadaq C/llaahi Cabdi ayaa ugu dambeyn go'aansaday inuu isaga haro tartanka Kursigii Xildhibaannimo ee uu ka geeriyooday Marxuum Cabaas C/llaahi Siraaji oo lagu wado in maalmaha soo socda ay doorashadiisa ka dhacdo magaalada Kismaayo.

Sida ay sheegayaan wararka Madaxtooyada iyo Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ayaa cadaadis ku saaray Wasiir Saadaq inuu ka haro tartanka kursiga Xildhibaannimo, hadii kale uu weynayo xilkiisa Wasiirnimo, waxaana jirta balan-qaad loo sameeyay oo ah in aan laga taaban doonin xilkiisa Wasiirnimo.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa dadaal badan ugu jirta sidii kursigaas uu ugu soo bixi lahaa wiil la dhashay Cabaas Siraaji, isla markaana tartanka kursigan aanu u noqon mid adag.

Wararka ayaa intaa ku Maxamuud C/llaahi Siraaji oo maalmo ka hor gaaray magaalada Kismaayo ay u badan tahay inuu kursigaas ku guuleysto, oo uu bedelo booska walaalkii, iyadoo uu la tartami doono musharax malxiis ah.

Dood badan ayaa ka jiray qaabka kursigan loogu tartamayo, iyadoo Madaxtooyada iyo Maamulka Jubbaland ay isku hayeen, inkastoo markii dambe la xaliyay.

Maxamuud Cabdi Beekoos oo ahaa Musharaxii laga guuleystay Tartanka kursigan ayaa sheegay inay jirto faragelin, isla markaana la baal maray shuruucdii doorashada, maadaama qofkii laga guuleystay ay aheyd inuu buuxiyo kursigan.

Guddiga Madaxa banaan ee doorashada ayaa lagu wadaa in maalmaha soo socda ay qabtaan doorashada Kursiga Xildhibaan ee uu ka geeriyootay Marxuum Cabaas Siraaji, waana kursigii labaad oo ay doorashadiisa qabtaan.

Bishii hore ayay aheyd markii Guddiga doorashada ay magaalada Jowhar ku qabteen doorashada kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Cali Madaxweyne, kaasoo ay ku loolamayeen C/llaahi Sanaloolshe iyo Nuur Iidow Beyle, kursigan ayaa ka mid ahaa kuraastii ugu adkeyd ee doorashadiisa ku baxday lacag aad u fara badan, iyadoo Madaxtooyada ay taageereysay Musharax Nuur Iidow Beyle oo wareegii labaad ka adkaaday Sanbaloolshe oo horay u waayay kursigan, markii loo magacaabay Taliyaha Nabadsugida




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip