Dhoofinta Dhuxusha oo Xilliyada Habeenkii Laga Bilaabay Dekeda Magaalada Kismaayo

0
Wednesday February 14, 2018 - 09:53:54 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 177
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dhoofinta Dhuxusha oo Xilliyada Habeenkii Laga Bilaabay Dekeda Magaalada Kismaayo

    Todobaadyadii la soo dhaafey ayaa waxaa Dekeda Kismaayo lagu arkay gaardiid fara badan oo sida dhuxul laga keeney deegaanada Jubbooyinka, kuwaasoo laga dhoofinayay Dekeda.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Todobaadyadii la soo dhaafey ayaa waxaa Dekeda Kismaayo lagu arkay gaardiid fara badan oo sida dhuxul laga keeney deegaanada Jubbooyinka, kuwaasoo laga dhoofinayay Dekeda.

Wararka ayaa sheegaya in xilliga habeenkii Dekeda qaab qarsoodi ah looga dhoofiyo dhuxusho, sida ay xaqiijinayaan ilo wareedyo kala duwan

Maamulka Jubbaland ayaa la ogaaday in dhaqaale fara badan ay ka helaan dhoofinta Dhuxusha sharci darada ah oo horay loo mamnuucay.

Dhuxusha laga daabulayo Dekeda Kismaayo ayaa loo dhoofiyaa dalal ku yaalla Qaarada Aasiya, oo si suuq madow ahaan loo geliyo.

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa sanado ka hor mamnuucay in Soomaaliya laga dhoofiyo dhuxusha, si loo ilaaliyo nabaad guurka dhirta.

Dowladda Federaalka oo horay u mamnuucday dhoofinta dhuxusha iyo jarista dhirta ayaa wali ka hadlin dhoofinta dhuxusha ee ka socota Kismaayo.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip