Agaasime Waaxeed Ka Tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

0
Wednesday February 14, 2018 - 09:47:08 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 154
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasime Waaxeed Ka Tirsan Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha oo Lagu Dhaawacay Muqdisho

    Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey ayaa caawa lagu dhaawacay agagaarka nawaaxiga Beerta Nabadda ee degmada Waabari.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Agaasimaha Waaxda Xiriirka Gobolada ee Wasaaradda Dhalinyarada iyo Isboortiga C/llaahi C/kariin Maxamed Xiirey ayaa caawa lagu dhaawacay agagaarka nawaaxiga Beerta Nabadda ee degmada Waabari.

Wararka ayaa sheegaya in Ciidamo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada ay rasaas ku fureen gaari uu watay Agaasime Waxeedka meel ku dhow Bar koontarool oo Ciidamada ka ilaaliyeen Madaxtooyada.

Dhaawaca Agaasimaha ayaa la geeyay Isbitaalka Digfeer, waxaana la sheegay in rasaasta ay kaga dhacday xabadka.

Wasiirka Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa  barteeda Facebook ku soo qortay in lagu soo wargeliyay dhaawaca Agaasime C/llaahi, ayna u rajeyneyso in Alle bogsiiyo.

Dhinaca kale labo carruur ayaa ku geeriyootay qarax ay ku ciyaarayeen, waxaana carruurtan ay ka mid ahaayeen kuwo darbi jiifka, iyadoo walxo qarxa oo ay dhulka ku garaacayeen ay la qaraxday agagaarka Isgoyska KM4.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip