Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo Wada Hadlaya

0
Monday February 12, 2018 - 10:25:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 144
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dowladaha Mareykanka iyo Kuuriyada Waqooyi oo Wada Hadlaya

    Xukuumadda Washington ayaa qorsheynaysa in wada hadalo la furto Waqoyiga Kuuriya,kadib markii uu circa isku shareerey khilaafka dibplomaasiyadeed ee u dhexeeya labad adal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xukuumadda Washington ayaa qorsheynaysa in wada hadalo la furto Waqoyiga Kuuriya,kadib markii uu circa isku shareerey khilaafka dibplomaasiyadeed ee u dhexeeya labad adal.

Mike Pence Madaxwayna ku xigeenka Dowladda Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Dowladda Mareykanka ay diyaar u tahay wadahadalo ay la galaan Kuuriyada Waqooyi,taasi oo loo arko isbadal muhim ah oo ku yimid mowqifkii Mareykanka ee ku aadanaa Kuuriyada waqooyi.

Mareykanka ayaa Horey si cad u sheegay in aysan wax wadahadalo ah la galayn hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi Kim Jong Un ilaa uu ka muujinayo in uu ka talabaxay barnaamijkiisa Niyukleerka.

Hase ahaatee Mike Pence madaxwayne ku xigeenka Dalka Mareykanka oo dib uga soo laabtay ciyaaraha olambikada ee xilliga qaboobaha ee uu ka qaybgalay ayaa waraysi uu siiyay wargayska Washington Post ku sheegay in uu Mareykanka rajaynayo in wadaxaajood aan shuruudo ku xirnayn uu la galo xukuumada Kuuriyada Waqoyi.

Waxa uu intaa ku daray in Mareykanka ay sii wadi doonaan in ay cunaqabtayn adag ku soo rogaan Pyongyang, balse haddii ay doonayaan wadahadal ay Maraykanka diyaar u yihiin.

Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi Mr Moon ayaa Mareykanka u xaqiijiyay in Kuuriyada wuqooyi aysan faa’ido dhaqaale iyo mid dublamaasiyadeed midna aysan ku hali doonin wadahadlada.

Sidoo kale wuxuu xusay Madaxwaynaha Kuuriyada Koonfureed in faa’idooyiinkaasi ay heli karto xukuumadda Pyongyang oo kaliya hadii ay qaado tilaabo wax ku ool ah oo xalinta xisadaha dhinaca Nuclearkeeda ku aadan.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip