Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Isimada iyo Nabaddoonada Gobolka Nugaal -SAWIRRO

0
Tuesday January 09, 2018 - 13:05:40 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 339
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Isimada iyo Nabaddoonada Gobolka Nugaal -SAWIRRO

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland kula kulmay Isimada iyo duubabka dhaqanka Gobolka Nugaal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland kula kulmay Isimada iyo duubabka dhaqanka Gobolka Nugaal.


Kulankan oo ka dhacay Xarunta Dhaqanka ee Hiddo Raac ee magaalada Garoowe waxaa Madaxweynaha iyo Wafdiga la socda ku casuumay Isimada gobolka Nugaal ay hormuudka u yihiin Islaan Ciise Islaan Maxamed iyo Suldaan Siciid Maxamed Garaase.

Madaxwene Farmaajo oo la hadlay Duubabka Dhaqanka iyo Isimada gobolka Nugaal ayaa uga mahad celiyay soo dhaweynta ay u sameeyeen, waxa uuna sheegay in Dhaqanka kaalin muuqata ku leeyahay nabadeynta iyo dowladnimada Somalia.

Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdiga uu hogaaminayo oo ku sugan Puntlnad ayaa sidoo kale la filayaa in maanta booqdaan xarumo kale sidoo kale la kulmaan qeybaha kala duwan ee bulshada Puntland




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip