Qaban-qaabada Soo Dhaweynta Madaxweynaha JFS Oo Ka Socota Magaalada Garoowe

0
Thursday January 04, 2018 - 17:28:00 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 212
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Qaban-qaabada Soo Dhaweynta Madaxweynaha JFS Oo Ka Socota Magaalada Garoowe

    Wafti Horu-dhac u Ah Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa Soo Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda, Kuwaas oo Isigu jira Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya Iyo Xubno Ka Tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafti Horu-dhac u Ah Booqashada Madaxweyne Farmaajo ayaa Soo Gaaray Magaalada Garoowe ee Caasimadda, Kuwaas oo Isigu jira Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Soomaaliya Iyo Xubno Ka Tirsan Labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.


Waftigan ayaa qeyb ka noqonaya Qaban-qaabada Soo dhaweynta Booqashada uu ku imaanayo Madaxweynaha JFS Farmaajo ee Deegaanada Puntland 6-7 Bishan.

Madaxtooyadda Puntland ayaa Maalmo ka hor shaacisay Imaansha Madaxweynaha Dowladda Federaalka, Iyadoona Sheegtay in la Magacaabay Guddiga Qaban-qaabada Soo dhaweynta Madaxweynaha, kuwaas oo u howl-galaya sidii si hufan loogu soo dhaweyn lahaa Farmaajo Caasimadda Garoowe iyo Guud ahaan Deegaanada puntland.

Madaxweynaha ayaa caasimadda Puntland uga Qeyb-galaya Xuska Sanad Guuradii 4-aad ee Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, oo ku beegan 8 Bisha January ee Sanadka Cusub 2018-ka.

Dhinaca kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya, ayaa la filayaa in uu Xariga ka jaro Garoonka Diyaaradaha ee Caasimadda Puntland "Garoowe”, kaasi oo ah Garoonkii Labaad ee Caalami ah oo laga Hirgaliyo Deegaanada Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa la filayaa in uu Deegaanada Dowlad Gobaleedka Puntland ku Sugnaado Muddo Gaaraysa 3-5 Maalmood, Isagoona kulamo La Qaadanaya Madaxda Puntland ee uu ugu horeeyo Madaxweyne Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas, Isimida, Waxgaradka, Ururada Dhalinyarada iyo Haweenka Iyo Qeybaha kala duwan ee Shacabka Deegaanada Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka iyo Madaxweyne Gaas, ayaa la filayaa in ay ka wada Hadlaan Arrimo Badan oo ku Saabsan Xaalada Dalka, Sida Amniga, Siyaasadda, Horu-marka, Xoojinta Federaalka, Iskaashiga DFS iyo Puntland iyo Sidi loo xoojin lahaa Xiriirka ka dhaxeeya Dowladda Federaalka iyo Puntland.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay Deegaanada Puntland Booqanaya Magaalada Boosaaso ee Xarunta Ganacsiga Puntland, Isagoo Sidoo kale Safar ku Maraya Deegaanada iyo Magaalooyinka u dhaxeeya Garoowe iyo Boosaaso, waxaana la filayaa in uu ku hakado Saacado Magaalada Qardho ee Xarunta Dhaqanka.

Magaalada Garoowe Ee Caasimadda Dowladda Puntland, ayaa Si Weyn Looga Dareemayaa u Diyaar-garowga soo dhaweynta Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed C/laahi Maxamed Farmaajo, Iyadoona wadooyinka iyo Dhamaan Jidadka Magaalada La Suray, Laguna Qurxiyay Calanka Jamhuuriyadda Soomaaliya iyo kan Dowlad Gobaleedka Puntland.
 
Safarka Madaxweyne Farmaajo uu Ku Imaanayo Deegaanada Puntland ayaa ku soo Aadaya Xili Dowladiisu ay Wajahayso Mowjado Siyaasadeed iyo Mucaarad Xooggan, iyadoo sidoo kale Ay Jiraan Hadal heynta Mooshin laga Wada Madaxweynaha, kaasi oo Saxiixiisii la Dhameystiray.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip