Kalfadhigii Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo La Soo Xiray

0
Wednesday January 03, 2018 - 17:03:55 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 157
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Kalfadhigii Labaad ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo La Soo Xiray

    Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ayaa maanta dhageystay warbixin la xiriirta dhul boobka Kenya ka waddo dhanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaanada aqalka sare ee baarlamaanka Federaalka ayaa maanta dhageystay warbixin la xiriirta dhul boobka Kenya ka waddo dhanka degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo.


Warbixinta ayaa waxaa aqalka siiyay senetor Cabdullaahi Sheikh Ismaaciil Fartaag oo kamid ahaa wafdi dowladda ka socda oo dhowaab tagay degmada Beledxaawo iyo deegaano dhanka xuduuda ku yaalo.

Gen Fartaag ayaa sheegay in Kenya ay ku soo xad gudubtay dhanka degmada Beledxaawo islamarkaana ku dhawaad 700 oo guryo cusub oo Soomaali ah xariiqdeen oo dhanka Kenya ay mareen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dadka deegaanka ay la hadleen ayna ugu baaqeen inay deganaan muujiyaan oo dowladooda ku kalsoonaadaan.

Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo xildhibaanada la hadlay ka hor inta aanan lasoo xirin kalfadhiga labaad ee aqalka sare ayaa sheegay in dowladda uu ugu baaqayo inay arrimahaasi guddi gaar ah u saarto.

Ugu dambey Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa u mahadceliyay xildhibaanada aqalka sare wuxuuna sheegay inay wax badan qabteen labadii kalfadhi ee lasoo dhaafay, waxaaba uu ku dhawaaqay in kalfadhiga labaad uu maanta xiran yahay islamarkaana la qaban doono xaflad lagu soo xirayo kalfadhiga labaad ee golaha aqalka sare.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip