Faah-faahin Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaysa Weerar Lagu Diley Ciidamo Kenyan ah

0
Wednesday January 03, 2018 - 10:32:36 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faah-faahin Dheeraad ah oo Ka Soo Baxaysa Weerar Lagu Diley Ciidamo Kenyan ah

    Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan weerar xalay fiidkii lagu qaaday ciidamo Kenyan ah oo roondo ku jirey gudaha deeganka Ceel-Waaq oo ka tirsan maamulka Waqooyi Bari Kenya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Waxaa soo baxaya faahfaahino dheeraad ah oo ku saabsan weerar xalay fiidkii lagu qaaday ciidamo Kenyan ah oo roondo ku jirey gudaha deeganka Ceel-Waaq oo ka tirsan maamulka Waqooyi Bari Kenya.


Weerarkan oo la rumeysan yahay inay qaadeen dagaalamayaasha Al-Shabaab ayaa lagu diley shan askari oo Kenyan ah iyadoo sidoo kalana la gubay gaari weyn oo ay wateen.

Guddoomiye ku xigeenka Mandhera Dantel Bundotich oo Warbaahinta la hadlay ayaa xaqiijiyay dilka askartan isagoo xusay inuu ciidankan lagu weerary wadada Katulu lana gubay gaari xamuul ah oo ay wateen.

Isniintii lasoo dhaafay-na ciidamadda Kenya waxa ay sheegeen in ay dileen shan ka tirsan Maleeshiyaadka Al-shabaab islamarkaan ay Hub ka furteen sidoo kale qarxiyeen gaari ay saarnaayeen waxyaalaha qarxa,




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip