Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta Laga Sugayo Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir

0
Wednesday January 03, 2018 - 10:22:48 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 217
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo Maanta Laga Sugayo Maxkamada Racfaanka Gobalka Banaadir

    Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo ah 3da Janaayo 2018 u qabatay in uu horyimaado Cabdiraxaan Cabdishakur Warsame kadib markii xeer ilaalinta qaranka ay racfaan ka qaadatay go'aanka maxkamada gobolka Banaadir ee soo baxay 21kii

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadir ayaa maanta oo ah 3da Janaayo 2018 u qabatay in uu horyimaado Cabdiraxaan Cabdishakur Warsame kadib markii xeer ilaalinta qaranka ay racfaan ka qaadatay go'aanka maxkamada gobolka Banaadir ee soo baxay 21kii bishii December kaasoo ay ku sii deysay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Guddoomiyaha Maxkamadda Racfaanka Gobolka Banaadir Saalax Sheekh Ibraahim Dhiblawe oo 26-kii December soo saaray warqad qoraal ayaa wuxuu ku sheegay in uu dib u furay kiiska C/raxmaan C/shakuur oo Maxkamadda looga yeeray 27-kii December, hase yeeshee Maxkamadda uu ka baaqsaday inuu hortago.

Qoraalka Maxkamadda racfaanka ay soo saartay ayaa lagu wargeliyay Taliyeyaasha qeybta Booliska ee Gobolka Banaadir iyo Taliyaha Booliska degmada Wadajir inay gaarsiiyaan mudada loo qabtay dhageysiga dacwada Cabdiraxmaan Cabdishakuur si uu uga soo qeyb galo.

Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa soo saaray shalay warsaxaafadeed uu ku sheegay in aysan jirin cid dacwad sharci ah ku haysata isla markaana aysan jirin cid uu u wakiishay dacwad, isagoo ku eedeeyay Xeer Ilaaliyaha Qaranka in uu ku soo oogayo dacwad siyaasadeysan.

Ciidamo hubeysan ayaa 17kii bishii hore xoog ku galay guriga Cabdiraxmaan Cabdishakur iyagoo ku diley shan ka mid ah ilaaladiisa waxaana xeer ilaaliyaha qaranka uu ku eedeeyay Cabdiraxmaan Cabdishakur inuu galay dambi ah qiyaano qaran.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip