Al-Shabaab oo Sheegtay Dilka Cali Nuur Shuute oo Xalay Lagu Diley Muqdisho

0
Wednesday January 03, 2018 - 10:05:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 265
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Al-Shabaab oo Sheegtay Dilka Cali Nuur Shuute oo Xalay Lagu Diley Muqdisho

    Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay dil xalay loo geystey Cali Nuur Shuute oo ahaa aabaha Col Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ururka Al-shabaab ayaa sheegtay dil xalay loo geystey Cali Nuur Shuute oo ahaa aabaha Col Xasan Cali Nuur Shuute Guddoomiyaha Maxkamada Darajada 1aad ee ciidamada qalabka sida.

Warbaahinta ay maamulaan Al-Shabab iyo kuwa kale oo taageera ayaa shaaciyay in dilka Cali Nuur Shuute ay qaadeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab.

War rasmi ah oo kasoo baxay Xarakada Al Shabaab ayay ku sheegatay mas’uuliyadda weerarka sida ay baahisay idaacadda Andalus ee ku hadasha afka Al-Shabaab.

Marxuum Cali Nuur Shuute ayaa lagu dhex diley guri uu ka degenaa degmada Dharkeynley xalay fiidkii waxaana ragii dilka geystey ay ka baxsadeen goobta.

Sidoo kale ururka Al-Shabaab ayaa sheegtay inay mas’uul ka ahaayeen dil habeen hore loo geystey askari ka tirsanaa ciidmada dowlada gudaha degmada Waaberi.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip