Wiil uu Dhalay Sheekh Mukhtaar Roobow oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

0
Friday December 15, 2017 - 20:59:07 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 381
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil uu Dhalay Sheekh Mukhtaar Roobow oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

    Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay duleedka degmada Xudur lagu dilay wiil uu dhalay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo wada hadalo kula jira dowladda Soomaaliya.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wararka ka imaanaya Gobolka Bakool ayaa sheegaya in dagaal ka dhacay duleedka degmada Xudur lagu dilay wiil uu dhalay Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo wada hadalo kula jira dowladda Soomaaliya.

Sida ay sheegayaan wararka dagaal maanta duhurkii ka dhacay agagaarka deegaanka Abal oo u dhow Xudur oo u dhaxeeyay Ciidamo taageersan Mukhtaar Roobow iyo Al-Shabaab ayaa lagu dilay C/llaahi Mukhtaar Roobow.

Dadka deegaanka Xudur ayaa sheegaya in dagaal culus oo maanta gelinkii hore ka dhacay deegaanka Abal uu dhex maray ciidamo taabacsan Mukhtaar Roobow, kuwa Koofur Galbeed oo isku dhan ah iyo Dagaalamayaasha Shabaab.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa qortay in Wiil uu dhalay Mukhtaar Roobow iyo Taliyaha Ciidamada taabacsan oo lagu magacaabo Manur Ganey lagu dilay dagaalka oo saacado badan qaatay oo ka dhacay deegaanka Abal.

Deegaanka Abal waxay muddo fariisin u aheyd Mukhtaar Roobow, ka hor inta uusan bishii August ee sanadkan isku dhiibin dowladda Soomaaliya, kaddib dagaalo uu kala kulmay Al-Shabaab.

Mukhtaar Roobow Abuu mansuur ayaa muddooyinkan waday abaabul iyo qorshayaal dagaal oo ka dhan ah Al-Shabaab, waxaana uu dhowaan tagay magaalooyinka Baydhabo, Xudur iyo Kismaayo oo uu maalmo ka hor uu gaaray.

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay dhanka Abuu Mansuur iyo Maamulka Koofur Galbeed oo ku aadan dagaalka maanta ka dhacay deegaanka Abal.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip