Puntland iyo Koofur Galbeed Oo Barbaro Ku Kala Tagay Xilli Wiilasha Difaacanaya Tartanka Ay Iska Xaadiriyeen Semi Final-ka -SAWIRRO

0
Friday December 15, 2017 - 20:39:57 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 1
  • Share via Social Media

    Puntland iyo Koofur Galbeed Oo Barbaro Ku Kala Tagay Xilli Wiilasha Difaacanaya Tartanka Ay Iska Xaadiriyeen Semi Final-ka -SAWIRRO

    Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa si xiiso leh uga soconaya magaalada Muqdisho, waxaana galabta loo daawasho taga mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan, kaas oo xambaarsanaa muhiimad gooni ah.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tartanka Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa si xiiso leh uga soconaya magaalada Muqdisho, waxaana galabta loo daawasho taga mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha badan, kaas oo xambaarsanaa muhiimad gooni ah.

Koofur Galbeed waxey xaqiijiyeen goor hore iney tartanka wareegiisa xiga usoo baxeen, balse waxey u ciyaarayeen hal ujeeddo oo ah iney booska koowaad dhacsadaan, halka Puntland ay u baahneyd kaliya hal dhibic si ay ugu soo baxaan booska labaad ama guul si ay ugu soo baxaan booska 1-aad.

ulankii galabta dhacay wuxuu noqday mid labada kooxba faa’iido dhex-dhexaad ah ay ugu jirtay, waxey ku dhamaatay 1-1, iyadoo Koofur Galbeed ay kusoo baxday booska koowaad ee Group B, halka Puntland oo difaacaneysa tartanka ay kusoo baxeen kaalinta 2-aad ee Group B.

Kadib natiijadii galabta waxey ka dhigan tahay in sadex kooxood ay durba xaqiiqsadeen iney ciyaari doonaan Semi Finalka tartanka waana kooxaha: Koofur Galbeed, Puntland iyo Banaadir, waxaana la sugi doonaa berito Jubbaland iyo Galmudug midii soo gudubay.

ISKU AADKA SEMI FINAL-KA:

Waa lasii ogyahay sida ay kooxaha isugu aadayaan madama goor hore lasii calaameeyay sharciga la isugu aadayo, waxaana durba soo baxay kulan Derby ah.

1. Banaadir vs Puntland

2. K/ Galbeed vs Jubbaland/Galmudug.

Kulanka xiisaha badan ee Jubbaland iyo Galmudug berito ayuu dhici doonaa madama la baajiyayKhamiistiisababo dhanka amniga ah, waxaana la sugi doonaa in la daawado ciyaaro xiiso leh wareega laba dhamaadka.

855A9830IMG_2303IMG_2307IMG_2309IMG_2311IMG_2316IMG_2317IMG_2323IMG_2326IMG_2327IMG_2328IMG_2330IMG_2333IMG_2334IMG_2335IMG_2338IMG_2339IMG_2344IMG_2345IMG_2347IMG_2350IMG_2351IMG_2356IMG_2358IMG_2362IMG_2364IMG_2365IMG_2367IMG_2373IMG_2374IMG_2378IMG_2382IMG_2396IMG_2401IMG_2402IMG_2405IMG_2414IMG_2430

Sawir Qaade:Mahad Shariif Jilacoow




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip