Donald Trump iyo Putin oo Kawada Kadley Xaaladda Kuuriyada Waqooyi

0
Friday December 15, 2017 - 13:54:04 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Donald Trump iyo Putin oo Kawada Kadley Xaaladda Kuuriyada Waqooyi

    Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka iyo Aqalka Krimlinka ee looga taliyo Ruushka ayaa xaqiijiyey in gelinkii danbe ee Khamiista Donald Trump iyo Vladimir Putin ay taleefon kuwada hadleen. Wada hadalka ayaa intiisa badan ku saabsanaa xaaladda

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka Cad ee looga taliyo dalka Maraykanka iyo Aqalka Krimlinka ee looga taliyo Ruushka ayaa xaqiijiyey in gelinkii danbe ee Khamiista Donald Trump iyo Vladimir Putin ay taleefon kuwada hadleen. Wada hadalka ayaa intiisa badan ku saabsanaa xaaladda Kuuriyada Waqooyi. Sidoo kale Trump ayaa uga mahad celiyey Putin amaan uu amaaney dhaqaalaha Maraykanka.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadley goobo ay ka taagan tahay xasarad sida Nukliyeerka Kuuriyada Waqooyi sida lagu sheegay fariin ka soo baxdey Aqalka Krimlinka ee Moskow.

Sida laga soo xiganayo Krimlinka Moscow labada Madaxweyne waxay ku heshiiyeen in ay sii wadaan xiriirkooda.

War kale oo ka soo baxay Aqalka Cad ee Marayaknka ayaa lagu sheegay in Madaxweynayaashu ay kawada hadleen sidii ay uga wada shaqeyn lahaayeen xaaladaha khatarta ah, ma jirto faahfaahin kale oo laga bixiyey.

Krimlinka ayaa sheegay in wicitaanka uu lahaa Maraykanku.

Aqalka Cad ayaa sheegay in Madaxweyne Trump uu Putin uga mahad celiyey amaan uu u jeediyey dhaqaalaha Maraykanka. Putin ayaa shir saxaafadeedkiisi sanadlaha ahaa sheegay in dhaqaalaha Maraykanku uu sanadkan kor u kacay.

Xiriirka Maraykanka iyo Ruushka ayaa gaarey heerkii ugu xumaa kadib markii Ruushka lagu eedeeyey in ay farogelin ku sameeyeen doorashadii Maraykanka 2016.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip