Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda iyo Darawal Mooto Bajaaj oo Lagu Diley Muqdisho

0
Thursday November 23, 2017 - 21:23:29 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 332
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda iyo Darawal Mooto Bajaaj oo Lagu Diley Muqdisho

    Labo ruux ayaa si kala gaar gaar ah loogu diley maanta magaalada Muqdisho iyadoo mid kamid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada halka uu qofka kalana uu ahaa nin dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labo ruux ayaa si kala gaar gaar ah loogu diley maanta magaalada Muqdisho iyadoo mid kamid ah uu ahaa askari ka tirsan ciidamada dowlada halka uu qofka kalana uu ahaa nin dhalinyaro ah oo darawal ka ahaa Mooto Bajaaj.

Dilka ninka dhalinyarada ah ayaa yimid kadib markii mid kamid ah ciidamada dowlada hoose ay murmeen waxaana askarigii uu rasaas ku furay darawalkii Mooto Bajaajta oo u dhintey dhaawacii soo gaaray.

Askarigii ka dambeeyay dilka darawalka Mooto Bajaajta ayaa ciidamada Booliska degmada Shangaani waxa ay sheegeen in ay gacanta ku dhigeen.

Dhinaca kale koox hubeysan ayaa duhurnimadii maanta waxa ay toogasho ku dileen askari ka tirsanaa ciidamada dowlada xilli uu ku sugnaa suuqa Bakaaraha.

Dilka askariga ayaa la sheegay inay geysteen dhalinyaro ku hubeysnaa Bastoolado, iyagoo dilka kadibna goobta ka baxsaday, kahor inta aysan halkaasi gaarin ciidamada dowladda federaalka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip