General Gaafow Oo Ka Hadlay Dil Uu Muqdisho Ka Geystey Darawalkiisu.

0
Friday May 12, 2017 - 10:02:31 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 320
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    General Gaafow Oo Ka Hadlay Dil Uu Muqdisho Ka Geystey Darawalkiisu.

    Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka hadlay dil uu gaystay darawalkiisii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyihii hore ee Hay'adda Nabad Sugida & Sirdoonka Qaranka Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud ayaa ka hadlay dil uu gaystay darawalkiisii.

Faarax Cali Nuur ayaa laba habeen ka hor la sheegay inuu degmada Waaberi ee Magaalada Muqdisho uu ku dilay kaaliyihii Maxkamadda sare ee dalka, Mursal Cumar Cismaan ka dib muran soo kala dhex galay.

Gaafow ayaa sheegay in dad dano gaar ah leh ay Warbaahinta ka sheegeen waxyaabo ka fog xaqiiqada taasoo uu xusay iney tahay arrin nasiib daro ah oo aan loo baahneyn.

"Faarax Cali Nuur waa darawalkayga, muddo dheer ayuu ila soo shaqeeyey, wuxuu dilay nin ay wada deganaayeen hoygiisa oo ku yaala Degmada Waaberi. dilka ka dib waa baxsaday balse gacanta ayaan ku soo dhignay heyaddaha dembi baarista ku shaqada leh ayaana gacanta ku haya cadaalada ayuuna sugayaa” ayuu yiri Gaafow.


Waxaa uu sheegay iney xiriir la sameeyeen ehelada marxuumka kuna wargeliyen inay soo qabteen dembiilaha, haddii ay dili lahaayeen iyo haddii ay magdhow qaadan lahaayeena ay iyaga u taallo.
"Ehelada ninka la dilay waxay inoo sheegeen inay sugayaan aabaha dhalay marxuumka, sidaas ayaana isku ognahay” ayuu yiri Jen. C/llaahi Gaafow Maxamuud.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip