Faysal Khaliif Barre Oo Ku Guulaystay Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Ee Map

0
Sunday August 10, 2014 - 12:51:07 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 1058
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Faysal Khaliif Barre Oo Ku Guulaystay Gudoomiyaha Ururka Warbaahinta Ee Map

    Faysal Khaliif Barre oo ah agaasimaha Soomaali Channel Tv ee gobolka Nugaal iyo wakiilka Bar-kulan Radio ee Garowe

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Faysal Khaliif Barre oo ah agaasimaha Soomaali Channel Tv ee gobolka Nugaal iyo wakiilka Bar-kulan Radio ee Garowe Faysal Khaliif Barre oo ah agaasimaha Soomaali Channel Tv ee gobolka Nugaal iyo wakiilka Bar-kulan Radio ee Garowe ayaa ku guulaystay tartankii loogu jiray doorashada gudoomiyaha ururka warbaahinta Puntlan ee MAP kadib doorasho goor dhowayd lasoo gabgabeeyay.
Gudoomiyaha cusub ayaa helay 45 cod oo kamid ahaa codadkii ay dhiibteen 60 wariye oo ku sugnaa goobta doorashada. Waxaana tartanka kula jiray Axmed Muuse Cali Jookar oo ay iskalasoo gudben wareegiin koowaad.

Axmed Jookaar ayaa helay codad gaarayay 15 oo ah codadkii la dhiibtay.


Guddiga KMG ah ee doorashada ayaa ku dhawaaqay in Feysal Khaliif uu yahay gudoomiyaha ururka Map ee saddexda sano ee soo socota.

Axmed Jookar ayaa ugu hambaleeyay gudoomiyaha cusub guusha uu gaaray, Wuxuuna balan qaaday inuu si wanaagsan ula shaqeyndoono gudoomiyaha cusub.

Gudoomiyaha cusub ee ururka Map Faysal Khaliif Barre oo hadal kooban jeediyay ayaa isna sheegay inuu ku faraxsan yahay natiijada codbixinta. Wuxuuna sheegay inay ka dhigan tahay in MAP ay sii jiridoonto islamarkaasna ay horey usii dhaqaaqi doonto.

Afhayeenka Isimada Puntland Garaad C/laahi Cali Ciid oo kamid ahaa marti sharaftii goob jooga ka ahayd doorashada ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin kasoo qeybgalka doorashada ururka warbaahinta.Wuxuuna u hambalyeeyay gudoomiyaha cusub iyo murashaxa laga guulaystay.

Dhinaca kale waxaa haatan bilaabatay doorashada gudoomiye ku xigeenka ururka warabahinta ee MAP oo ay ku loolamayaan 3 wariye. Waxaana xusid mudan in tartankaan uu goor dhowayd ka tanaasulay Maxamed Daahir Yuusuf Saalim oo ku jiray murashixiinta u taagnayd gudoomiye ku xigeenka.



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip