Wararka
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland.
Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale.
Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland.
" Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland" Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.