Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland. Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland. " Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland" Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.
Recently added under this category

Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo War Ka Soo Saaray Kuraasta Xildhibaanada ee Ka Banaan Baarlamaanka

0 Visits: 86 | Thursday January 11, 2018 - 16:02:10
Golaha Iskaashiga dowlad goboleedyada ayaa war murtiyeed ka soo saaray kuraasta Xildhibaanada ee ka banaan baarlamaanka 10aad, muddo lix bilood ka badan, iyadoo Golaha walaac ka muujiyay, kana soo horjeestay go'aanka Maxkamadda sare ee gal dacwadeed ugu furtay kuraasta Xildhibaanada ee banaan.

Read More »

Madaxweynaha Soomaaliya oo Dhagax-dhigay Xarunta Dhaqanka Soomaaliyeed ee Magaalada Qardho

0 Visits: 112 | Thursday January 11, 2018 - 16:01:09
Madaxweynaha Jamhuuiryadda Federaaliga ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed oo habeenkii xalay ku hoyday magaalada Qardho ayaa si rasmi ah u dhagax dhigey xarunta dhaqanka Soomaaliya taas oo laga dhisaayo magaalada Qardho .

Read More »

Maxaabiis Soomaali ah oo Laga Sii Daayay Xabsiyo Ku Yaala Dalka Hindia

0 Visits: 101 | Thursday January 11, 2018 - 15:54:16
Wararka ka imanaya dalka Hindiya ayaa sheegaya in 15 dhalinyaro Soomaali ah oo ku xirnaa xabsiyada dalka Hindiya la sii daayay.

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Si Rasmi ah u Dhagax Dhigay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya Faraceeda Qardho -Sawirro

0 Visits: 150 | Thursday January 11, 2018 - 15:47:20
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa gelinki danbe ee Arbacada si rasmi ah u dhagax dhigay Jaamacadda Ummadda Soomaaliya (JUS) faraca ay ku yeelanayso Puntland kaas oo laga dhisaayo degmada Qardho.

Read More »

Boqor Burhan Boqor Muuse oo Soo Dhoweyn Heer Maamuus Dhaqan ah u Sameeyay Madaxweyne Farmaajo -SAWIRRO

0 Visits: 158 | Wednesday January 10, 2018 - 22:10:27
Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo uu wehliyo Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wafuuda la socotay ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyey magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar iyo Caasimada Dhaqanka.

Read More »

Dowladda Kuwait oo Mashaariic Horumarineed Ka Fulinaysa Soomaaliya

0 Visits: 236 | Wednesday January 10, 2018 - 21:54:03
Wasiirka Wasaaradda Qorsheynta Maalgashiga iyo Horumarinta dhaqaalaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Jamaal Maxamed Xasan oo safar shaqo ah ku jooga dalka kuwait, ayaa kulan la qaatay Wasiirka Arrimaha Diiwaanka dalkaasi Shiekh Cali Jaraax Al sabaah, isagoo gaarsiiyay dhambaal uu ka siday…

Read More »

Munaasabad Lagu Soo Xirayay Kalfadhiga 2aad ee Aqalka Sare oo Lagu Qabtay Moqdisho

0 Visits: 152 | Wednesday January 10, 2018 - 16:19:48
Munaasabad lagu soo xerayay kalfadhiga 2aad ee golaha aqalka sare ayaa xalay lagu qabtay Magaalada Muqdisho, iyadoo ay ka qeyb galeen Guddoomiyaha Aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdulaahi iyo ku xigeenadiisa, Guddoomiyaha golaha shacabka Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, Guddoomiyaha maxkamadda sare…

Read More »

Ergeyga QM Keating Oo Madaxda Somaliland Kala Hadlay Wada-hadalka Soomaaliya iyo Somaliland

0 Visits: 105 | Wednesday January 10, 2018 - 15:16:38
Ergeyga qamarada midoobay u qaabilsan Soomaaliya danjire Micheal Keating iyo wefti uu hoggaaminayo oo maanta soo gaadhay magaalada Hargeysa ayaa waxay kulan la qaateen madaxweynaha Soomaalilaand Muuse Biixi Cabdi.

Read More »

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Oo Gaaray Magaalada Qardho -Sawirro

0 Visits: 182 | Wednesday January 10, 2018 - 15:15:21
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminaayo ayaa goor dhow gaaray Magaalada Qardho.

Read More »

Madaxweyne Farmaajo Oo Dhagax-dhigay Wadada Isku Xirta Doonta Dangoronyo Iyo Eyl -SAWIRRO

0 Visits: 77 | Wednesday January 10, 2018 - 15:06:59
Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa deegaanka Dangoronyo ka dhagax dhigay waddo 100 KM oo gaareysa illaa iyo degmada Ayl.

Read More »

Magaalada Gaalkacyo Oo Looga Diyaar Garoobayo Soo Dhoweynta Madaxweyne Farmaajo

0 Visits: 91 | Wednesday January 10, 2018 - 15:04:36
Guud ahaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa ka soconaya diyaar garow ballaaran oo ku aadan sidii magaaladaasi loogu soo dhoweyn lahaa madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo oo maalmaha soo aadan halkaasi ku wajahan.

Read More »

War Saxaafadeed: Dowladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan Xiisadda Tukaraq ee Gobolka Sool

0 Visits: 80 | Wednesday January 10, 2018 - 15:01:04
Dawladda Federaalka Soomaaliya oo ka walaacsan collaadaha ka soo aloosmay deegaanka Tukaraq ee Gobolka Sool, ayaa ku baaqaysa in dhinacyada ku dagaalamaya deegaanka Tukaraq ay si deg deg ah oo shuruud la'aan ah u joojiyaan dagaalka.

Read More »

Wasiirka Cadaalada Soomaaliya oo Xariga Ka Jaray Xarunta Taliska Ciidanka Asluubta

0 Visits: 73 | Wednesday January 10, 2018 - 14:59:59
Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Xukumadda Soomaaliya Avv Xasan Xuseen Xaaji iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed S/gaas Xuseen Xasan Cismaan ayaa maanta si wadajir xariga ugu jaray Xarunta ugu weyn Taliska Ciidanka Asluubta oo in muddo ah burbursanayd.

Read More »

Wasiirka Maaliyada Dr. Beyle oo Kula Kulmay Doha Dhigiisa Dalka Qadar Cali Shariif

0 Visits: 107 | Tuesday January 09, 2018 - 21:00:15
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane C/raxmaan Ducaalle Beyle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo ku sugan Magaaladda Doha,ayaa la kulmay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ee dalkaasi, Mudane Cali Shariif Al-Emadi, iyaggoo ka wada hadlay arrimo badan oo ay ka mid yihiin xiriirka ka dhaxeeya…

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Ardayda Wax Ka Barata Jaamacadaha Ku Yaala Puntland -Sawirro

0 Visits: 112 | Tuesday January 09, 2018 - 19:12:45
Madaxweynaha Soomaaliya Mudane maxamad Cabdullaahi Farmaajo ayaa hoolka shirarka ee Jaamacadda Bariga Afrika faraceeda magaalada Garoowe kula kulmay boqollaal arday ah oo wax ka barta Jamaacadaha ku yaala magaalada Garowe ee caasimadda Puntland .

Read More »

Wasiirka Cusub Ee Wasaaradda Arrimaha Dibbada Axmed Ciise oo Xilka la Wareegay

0 Visits: 103 | Tuesday January 09, 2018 - 19:08:18
Wasiirka cusub ee Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga H.E. Amb. Ahmed Isse Awad ayaa maanta si rasmi ah ugala wareegay xilka Wasaaradda Wasiirkii hore H.E. Amb. Yusuf Garaad Omar Ahmed kadib munaasabad ka dhacday xarunta Wasaaradda ee caasimadda Muqdisho.

Read More »

Wasaradda Gaashaandhiga Soomaliya oo Lagu Wareejiyay Gawaari Kuwa Aan Xabada Karin -Sawirro

0 Visits: 166 | Tuesday January 09, 2018 - 19:00:06
Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh C/raxmaan ayaa maanta guddoomay 6 gaari oo nooca aan Xabadda Karin ah, kuwaasi oo loogu talagalay in lagu qabto howlaha Wasaaradda.

Read More »

Isku Socodkii Gaadiidka Dadweynaha Ee Puntland Iyo Somaliland Oo La Hakiyey

0 Visits: 103 | Tuesday January 09, 2018 - 16:13:54
Dowlad Gobaleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa ku dhowaaqay in ay hakiyeen isku socodkii gaadiidka dadweynaha ee deegaannada maamulkaasi iyo kuwa Somaliland.

Read More »

Ciidamada Ethopia iyo Al-shabaab oo Dagaal Ku Dhex Maray Gobolka Hiiraan

0 Visits: 111 | Tuesday January 09, 2018 - 16:11:15
Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka ee Gobolka Hiiraan Jeneraal Tawane Axmed Gurey oo shir jaraa'iid maanta ku qabtay Magalaada Baladweyne ayaa sheegay in ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka itoobiya ay ku guuleysteen inay Al-shabaab kala wareegan deegaano u dhexeeya Baladweyne,Maxaas…

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo la Kulmay Isimada iyo Nabaddoonada Gobolka Nugaal -SAWIRRO

0 Visits: 202 | Tuesday January 09, 2018 - 13:05:40
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa magaalada Garawe ee xarunta Maamulka Puntland kula kulmay Isimada iyo duubabka dhaqanka Gobolka Nugaal.

Read More »