Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland. Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland. " Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland" Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.
Recently added under this category

Baarlamaanka oo Maanta Magacaabaya Guddiga Doorashadda Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

0 Visits: 52 | Saturday April 21, 2018 - 07:44:05
Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta lagu waddaa in ay kulan ku yeesheen xarunta Golaha Shacabka, islamarkaana ay ka hadlaan qodobo dhowr ah.

Read More »

Xukuumadda Kuuriyada Waqooyi oo Si Dhaqsi Ah u Hakineyso Tijaabaada Nukleyrka.

0 Visits: 75 | Saturday April 21, 2018 - 07:29:37
Dowladda Kuuriyada waqooyi ayaa ku dhawaaqday inay si dhaqsi ah u hakineyso tijaabaada nukleyrka iyo mida gantaalada, sidoo kalena ay albaabada isugu dhufaneyso xarunta tijaabada ee Nukleyrka.

Read More »

Wasiir Cawad "Khilaafka Wuxuu Ka Bilowday Xadgudub Midnimada Soomaaliya Lagu Sameeyay"

0 Visits: 65 | Saturday April 21, 2018 - 07:16:49
Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ka hadlay xiisada siyaasadeed ee Soomaaliya iyo Imaaraadka, isagoo meesha ka saaray inuu jiro wax heshiis ama is faham labada dal horay u galeen oo ku saabsan heshiiska Dekeda Berbera, kaddib hadal ka soo yeeray Wasiiru dowlaha Arrimaha Dibadda…

Read More »

Wasiir Sacad "Waa Dhab Imaaraadka Si Rasmi uma Aqoonsana Somaliland, Safaaradna Kuma Lahan"

0 Visits: 84 | Saturday April 21, 2018 - 06:58:16
Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire ayaa ka jawaabay eedeyntii ka soo yeertay Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka Waddani iyo hadalkii Wasiiru dowlaha Imaaraadka Carabta ee ahaa in aanay aqoonsaneyn Somaliland.

Read More »

Wasiir Dr. Beyle oo Si Adag uga Hadlay Lacagtii Dhawaan Lagu Qabtay Garoonka Aadan Cadde.

0 Visits: 78 | Saturday April 21, 2018 - 06:43:38
Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Beyle oo Wareysi siiyay Idaacada VOA ayaa ka hadlay lacagtii Imaaraadka laga keenay ee dhawaan lagu qabtay garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Read More »

Dowladda Federaalka oo ugu Baaqday DP World inay Ka Laabato Heshiiska ay la Gashay Somaliland.

0 Visits: 91 | Saturday April 21, 2018 - 06:33:47
Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Axmed Ciise Cawad ayaa ugu baaqay shirkada laga leeyahay Dubai ee Dp World inay dib uga fekerto heshiiska ay la gashay maamulka la magacbaxay Somaliland ayna la shaqeyso dowlada Federalka si aysan ugu xadgudbin madax banaanida dalka Soomaaliya.

Read More »

Guddoomiye Yariisow Oo Kormeeray Goobaha Ay Ka Socdaan Bilic Soo Celinta Caasimadda -Sawirro

0 Visits: 110 | Saturday April 21, 2018 - 06:21:06
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Caasimadda Mudane Cabdirixmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kormeeray goobaha ay ka socdaan howlaha bilic soo-celinta iyo nadaafadda Gobolka.

Read More »

Wasiir Beyle "Bankiga Adduunka iyo IMF Waxay Ku Qanceen Qaabka Maamulka Maaliyadda" -SAWIRRO

0 Visits: 99 | Friday April 20, 2018 - 18:14:23
Wasiirka Maaliyadda xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. C/raxmaan Ducaale Beyle oo ka qayb galay shirka looga hadlayay taakulaynta iyo cafinta deymaha Soomaaliya ee ku soo dhamaaday Washington DC ayaa rajo ka muujiyay in natiijo wanaagsan uu ka soo baxay shirka.

Read More »

Arsene Wenger oo Dhamaadka Xilli Ciyaareedka Ka Tagaya Shaqada Tababarinimo ee Arsenal.

0 Visits: 67 | Friday April 20, 2018 - 18:06:06
Arsene Wenger ayaa ku dhawaaqay in dhamaadka xilli ciyaareedka inuu ka tagi doono shaqada Tababarnimo ee Kooxda Arsenal, muddo 22 sano oo uu soo leyliyay.

Read More »

Wasiiro Ka Tirsan Dowladda Federaalka oo Shir uga Qeyb Galay Dalka Mareykanka

0 Visits: 61 | Friday April 20, 2018 - 09:44:57
Shir caalami ah oo goobjoogayaal ay ka ahaayeen Wakiilada dalalka Deeq bixiyeyaasha Mareykanka, Britain, Norway, QM, Midowga Yurub iyo IMF ayaa si gaar ah loogu qabtay maalimihii la soo dhaafay xarunta Bankiga Aduunka Magaallada Washington ee dalka Mareykanka.

Read More »

Dalka Cuba oo Madaxweyne Cusub Loo Dhaariyay

0 Visits: 95 | Friday April 20, 2018 - 09:32:30
Madaxweynaha cusub ee Dalka Cuba ayaa loo dhaariyay Miguel Diaz-Canel, isagoo Shantii Sano ee ugu dambaysay ku xigeen u ahaa hoggaamiyhii isaga ka horreeyay ee Raul Castro.

Read More »

Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Dastuurka oo Tababar Heer Sare ah Ku Soo Xiray Muqdisho -Sawirro

0 Visits: 59 | Friday April 20, 2018 - 09:23:44
Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS Mudane Dr. Xuseen Cabdi Cilmi ayaa maanta soo xiray Tababarka Tababarayaasha Saraakiisha Sare ee Waxbarashada Madaniga iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee dib-u-eegista Dastuurka oo seddex maalin ka socday magaalada Muqdisho.

Read More »

Wadan Ka Mid ah Qaarada Afrika oo Magacii Lagu Yiqiin iska Bedelay.

0 Visits: 262 | Friday April 20, 2018 - 09:17:32
Boqorka dalka Swaziland Boqor Mswati III ayaa ku dhowaaqay inuu ka bedelay magaca dalkiisa ee Swaziland una bixiyay "Boqortooyada eSwatini".

Read More »

Guddoomiye Xuseen "Waxaa Naga Go'an in Shacabka Guryahooda Loogu Geeyo Dawladnimada"

0 Visits: 93 | Friday April 20, 2018 - 09:07:46
Guddoomiye Ku-xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda ee Gobolka Benaadir Mudane Xuseen Maxamed Nuur ayaa maanta ka dhagax-dhigay Xafiiska Adeegga ee degmada Xamar-Weyne, si shacabka loogu dhaweeyo maamulka.

Read More »

Taliyaha CXD Oo Ka Qeyb Galay Shir Weynaha Talisyada Ciidanka Africa Iyo Mareykanka -Sawirro

0 Visits: 87 | Friday April 20, 2018 - 08:57:05
Magaaladda Abuja ee dalka Nigeria, ayaa waxaa lagu soo gabo gabeeyey shir weyne socday muddo seddex maalin ah, kaasi oo u dhaxeeyey Talisyadda Ciidanka difaaca Qaaradda Africa iyo Dawladda Mareykanka, waxaana Soomaaliya shirkaasi uga qeyb galay Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka, Sarreeye gaas C/wali Jaamac…

Read More »

Ciidanka Booliska Somaliland oo Xabsiga u Taxaabay Boqor Cismaan Buur-Madow.

0 Visits: 82 | Thursday April 19, 2018 - 22:41:49
Waxaa caawa oo Khamiis ah Booliska Somaliland ee magalada Hargeysa Ku qabteen Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Buur-madow, isaga oo ku sugan mid kamid ah Hoteelada Hargeysa.

Read More »

Mucaaradka Turkiga oo Soo Dhaweeyay Soo Dedejinta Doorashooyinka Dalkaasi.

0 Visits: 112 | Thursday April 19, 2018 - 18:13:54
Xisbiyada mucaaradka ee Dalka Turkiga ayaa aad usoo dhoweeyay soo dedejinta doorashooyinka Madaxtinimo iyo kuwa Baarlamaaniga ah ee Dalkaasi.

Read More »

Kenya oo Shaacisay Magacyada iyo Sawirada Rag Lagu Tuhmayo inay Ku Biireen Al-shabaab.

0 Visits: 134 | Thursday April 19, 2018 - 18:03:27
Booliska Kenya ayaa soo bandhigay magacyada saddexda qof oo ay sheegeen in ay baadi goobayaan islamarkaana abaalgud siinayaan cidda soo sheegta xogtooda.

Read More »

Shirkii Golaha Wasiirada oo Loogaga Hadlay Xaaladda Kala Guurka ee Ciidamada AMISOM -SAWIRRO

0 Visits: 82 | Thursday April 19, 2018 - 17:51:30
Shirkii Caadiga ahaa ee Gollaha Wasiiradda oo uu shir-guddoominayay Ra'iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Cali Khayre, ayaa maanta looga hadlay Hubinta Tirakoobka Shaqaalaha Rayidka ah ee Dawladda, Xaaladda kala guur ee ciidamada AMISOM. Sidoo kalena waxaa lagu ansixiyay…

Read More »

Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI oo Ku Baaqay in Madaxweyne Muuse Biixi is Casilo.

0 Visits: 62 | Thursday April 19, 2018 - 17:44:30
Xisbiga mucaaradka ah ee WADDANI ayaa madaxweyne Muuse Biixi ugu baaqay inuu is casilo ama xil ka xayuubin lagu saneeyo kaddib markii heshiishkii Dekadda Berbera Imaaaradku sheegay in ay la saxiideen dowladdii hore ee Soomaaliya.

Read More »