Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland. Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland. " Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland" Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.
Recently added under this category

Imaaraadka oo Agabkii Ka Yaalay Muqdisho Ku Raranaya Markab Ku Xiran Dekadda -Sawirro

0 Visits: 31 | Sunday April 22, 2018 - 17:43:36
Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa agabkoodii muhiimka ahaa ee u yaalay magaalada Muqdisho bilawday in ay ku rartaan Markab weyn oo maalmahan ku xirnaa Dekadda magaalada Muqdisho.

Read More »

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle oo Ku Xayirmay Magaalada Beledweyne.

0 Visits: 39 | Sunday April 22, 2018 - 17:35:27
Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa ku xayirmay magaalada Beledweyne ee gobolka Hiiraan, halkaasoo uu labadii todobaad ee la soo dhaafay uu ku sugnaa.

Read More »

Wasiir Xoosh oo Ka Hadlay Sharci Ahaanshaha in Wasiir u Tartamo Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka.

0 Visits: 35 | Sunday April 22, 2018 - 17:26:08
Wasiirka Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Xoosh Jibriil ayaa ka hadlay go'aan ay soo saareen Guddiga qaban qaabada Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo shalay lagu dhawaaqay.

Read More »

Wasiirada isku Soo Sharaxay Xilka Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Shuruud Lagu Xiray.

0 Visits: 92 | Sunday April 22, 2018 - 09:06:26
Waxaa dhawaan la filayaa in magaalada Muqdisho lagu doorto Gudoomiyaha golaha Shacabka , kadib markii uu xilkaasi iska casilay Gudoomiyihii hore ee golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Read More »

Khubarada Hubka Kiimikada oo Walxa ay u Adeegsan Doonaan Baaritaankooda Ka Soo uruuriyay Douma.

0 Visits: 75 | Sunday April 22, 2018 - 07:53:55
Laba toddobaad kadib markii ay soo baxeen wararka sheegaya in dowladda Suuriya ay adeegsatay hubka kiimikada ayaa khubarada caalamiga ee ku takhasuusay baaritaanada hubka kiimikada waxaa ay gaareen magaaladii ay heysteen mucaaradka ee Douma.

Read More »

Shir Looga Hadlayo Amniga Dalka oo Dhawaan Lagu Qaban Doono Garoowe.

0 Visits: 68 | Sunday April 22, 2018 - 07:41:53
Waxaa magaalada Garoowe ee caasumada puntland lagu wadaa dhawaan in uu ka furmo shir looga hadlayo Amniga dalka sida ay baahisay wakaalada wararka soomaaliya ee Sonna, wasiirka amniga dawlada federaalka soomaaliya Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayaa hadalkaan shaaciyay xili uu dhawaan booqasho ku yimaadeen…

Read More »

Wasiirka Amniga iyo Taliyaha Booliska oo Kormeeray Qaar Ka Mid ah Xarumaha Booliska -Sawirro

0 Visits: 79 | Sunday April 22, 2018 - 07:28:42
Wasiirka Amniga gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamd Abuukar Islow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko, ayaa caawa kormeer kedis ah ku tagay qaar ka mid ah xarumaha Ciidanka Booliska oo ay ka mid ahaayeen Taliska Qeybta guud ee Booliska…

Read More »

Dowladda Federaalka Somaliya oo Shaacisay iney Wafdi u Direyso Dalka Iran.

0 Visits: 199 | Sunday April 22, 2018 - 07:18:10
Wasiirka arrimaha dibbedda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad oo la hadlay mid ka mid ah telefishinada Soomaalida ayaa sheegay in dhawaan dawlada Soomaaliya wafdi u dirayso dalka Iran si ay wada xaajood uga galaan Maxaabiis Soomaali ah oo dalkaasi ku xiran.

Read More »

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Kormeeray Xeradii Tababarka ee Ay Ka Baxeen Imaaraadka -Sawirro

0 Visits: 108 | Sunday April 22, 2018 - 07:04:55
Taliyaha ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Gen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa kormeeray Xerada Gen. Gordan oo ay dhowaan ka baxeen Imaaraadka.

Read More »

Nuur Iidow oo Loo Doortay Guddoomiyaha Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka -Sawirro

0 Visits: 80 | Sunday April 22, 2018 - 06:54:49
Gudigga doorashadda Gudoomiyaha golaha shacabka ayaa waxay iska dhex doorteen Guddoomiye ka dib doorasho ka dhacday Xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Read More »

Turkiga oo Tallaabo Wanaagsan Ku Tilmaamay Hannaanka Loo Daryeello Maxabiista Xabsiga dhexe ee Xamar -Sawirro

0 Visits: 166 | Saturday April 21, 2018 - 19:10:37
Taliyaha ciidammada Asluubta Soomaaliyeed oo uu wehliyey Safiirka dowladda walaalaha ee Turkiga u qaabilsan Soomaaliya ayaa booqday Xabsiga dhexe ee Xamar oo ay ku jiraan Maxaabiis kala duwan, laba masuul ayaana booqday Warshadaha Farsamada Gacanta ee Xirladda loogu abuuray Maxaabiista Soomaaliyeed…

Read More »

Shirka Caalamiga Ah ee Badqabka Suxufiyiinta oo Ka Furmay Magaalada Muqdisho.

0 Visits: 60 | Saturday April 21, 2018 - 18:54:58
Ra'isalwasaare ku xigeenka dalka Mudane Mahdi Maxamed Guuleed ayaa furay shirkan oo soconaya laba maalmood.

Read More »

Guddiga Joogtada Ah Ee Aqalka Sare oo Maanta Ka Dooday Dar Dar Gelinta Howlaha Horyaala.

0 Visits: 50 | Saturday April 21, 2018 - 18:44:54
Guddiga joogtada ah ee Golaha Aqalka sare ayaa maanta kullankooda caadiga ahaa waxay kaga hadleen arrimo muhiim ah oo quseeya habsami u socodka howlaha Golaha.

Read More »

Dowlada oo Si Rasmi Ah Ula Wareegtay Ciidankii Ay Tababareen Imaaraadka iyo Hubkooda -Sawirro

0 Visits: 73 | Saturday April 21, 2018 - 18:25:08
Dowlada Soomaaliya ayaa maanta si rasmi ah ula wareegtay ciidankiii Milatariga ay tababareen dowlada Imaaraadk,a kadib markii dowlada Imaaraadka shaacisay in ay joojisay taageeradii iyo tababaradii ay ciidankaasi siin jireen.

Read More »

Madaxweyne Farmaajo oo Warqadaha Aqoonsiga Ka Guddoomay Safiirka Qatar ee Somalia -Sawirro

0 Visits: 60 | Saturday April 21, 2018 - 18:08:44
Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa maanta Xafiiskiisa Wasaaradda Gaashaandhigga kaga guddoomay warqadaha danjiranimo Safiirka Dalka Qatar ee loo soo Magacabay Soomaaliya Xasan Xamsa Asad.

Read More »

Guddiga Doorashada Gudoomiyaha Golaha Shacabka oo Lagu Dhawaaqay -Akhriso Magacyada

0 Visits: 69 | Saturday April 21, 2018 - 17:58:15
Waxaa maanta xarunta golaha Shacabka kulankooda caadiga ahaa ku yeeshay Xildhibaanada Golaha Shacabka, waxaana Xildhibaanada kulankan looga dhawaaqay 15-xubnood oo noqonaya Guddiga Doorashada.

Read More »

Madaxweynaha Puntland Cabdiwli Gaas oo u Ambabaxay Dalka Imaaraatka Carabta.

0 Visits: 82 | Saturday April 21, 2018 - 17:45:32
Madaxweynaha Puntland C/Welli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta ka duulay magaalada Boosaaso ee gobolka Bari, isaga oo ku sii jeeday dalka Imaaraatka Carabta.

Read More »

Wasaaradda Waxbarashada oo Sheegtay in 27-kun oo Arday Ay u Fariisan Doonaan imtixaanada Mideysan ee Dalka

0 Visits: 71 | Saturday April 21, 2018 - 09:12:01
Wasiiru dolaha wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya Xildhibaan C/raxmaan Maxamuud Cabdulle ayaa sheegay in wasaaraddu ay go'aamisay in 19-bishaan la qabto imtixaanada mideysan ee dugsiyada dalka, islamarkaana ay u fariisan doonaan 27-kun oo arday oo qaarkood ku galaya gobolada dalka.

Read More »

Xuutiyiinta Yeman Oo Taageertay Soomaaliya Digniinna U Diray Imaaradka.

0 Visits: 150 | Saturday April 21, 2018 - 08:55:40
Hogaamiyaha Kacaanka ururka Xuutiyiinta ee ka dagaalama dalka Yeman Maxamed Cali Al-Xuuti kana tirsan shaqsiyaadkii aas-aasay Ururkaasi ayaa waxa uu taageero u muujiyay Dowladda Federalka Soomaaliya isagoo ka soo horjeestay siyaadda Imaaraadka Carabta ee arimaha Soomaaliya.

Read More »

Gudoomiye Muudey oo Sheegay in Dastuurkii Saxda Ahaa ee Soomaaliya La Xaday -Dhageyso

0 Visits: 101 | Saturday April 21, 2018 - 08:00:47
Kusimaha Gudoomiyaha Golaha Shacabka ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha shacabka Cabdiwali Sheekh ibraahim Muudey ayaa waxa uu sheegay in hadda dowladda Soomaaliya aysan ku shaqeyn dastuurkii ay meelmariyeen Odayaasha dhaqanka ee loogu tala galay in dalka lagu maamulo.

Read More »