Wararka

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 7-5-2015 magaalada Kismaayo ee xarunta Dawladda Jubbaland kaga qeyb-galay xafladd balaaran oo lagu caleemasaarayay Baarlamaanka iyo gudoonka cusub ee Jubbaland. Xafladda ayaa waxaa sidookale ka soo qeyb-galay Madaxweynaha Dawladda Federaalka Soomaaliya Xassan Shiikh Maxamuud , Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Wasiirka arrimaha dibadda Kenya Aamino Maxamed, Wasiirka arrimaha dibada Ethiopia Mr. Tedros , wasiiro iyo xildhibaan katirsan Puntland , wufuud ka socotay beesha caalamka iyo masuuliyiin kale. Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey ayaa khudbad dhinacyo badan taabanaysay ka jeediyey madasha , waxaana uu u hambalyeeyey mudanayaasha cusub ee baarlamaanka Dawladda Jubbaland. " Waxaan hambalyo iyo salaan idiinka wadaa Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Gudoomiyaha Baaralamaanka Puntland Siciid Xassan Shire, Saddexda Gole ee dawladda iyo guud ahaan Shacabka reer Puntland" Ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Cabdixakiin Camey.
Recently added under this category

Duqa Magaalada Bishkek ee Dalka Kyrgyzstan oo Kormeer Sameeyay isaga oo Aan La Aqoonsan Karin.

0 Visits: 81 | Tuesday April 24, 2018 - 10:30:57
Duqa magaalada Bishkek ee caasimadda dalka Kyrgyzstan ayaa dad badan ka yaabsaday, kadib markii uu marar badan isaga oo is qarinaya dadkuna aysan aqoonsan karin ku dhax lugeeyay wadooyinka magaalada uu Duqa ka yahay.

Read More »

Wararkii ugu Dambeeyay Dagaal Xalay Ka Dhacay Deegaanka Ceelasha Biyaha Ee Duleedka Muqdisho.

0 Visits: 141 | Tuesday April 24, 2018 - 10:18:05
Wararka ka imaanaya deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho ayaa sheegaya in dagaal culus uu xalay ka dhacay, kaasoo u dhaxeeyay ciidanka dowladda, AMISOM iyo dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Read More »

Diiwaan Gelinta Musharaxiinta u Taagan Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Ku Eg.

0 Visits: 105 | Tuesday April 24, 2018 - 10:05:47
Waxaa maanta oo Talaado ah ku eg diiwaan gelinta Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo guddiga qaban qaabada doorashada uu ku dhawaaqay in wixii ka dambeeya gelinka dambe ee maanta la soo gabagabeynayo diiwaan gelinta.

Read More »

Gaari La Jiirsiiyay Dad Lugeynayay Magaalada Toronto Dalka Canada -Sawirro

0 Visits: 244 | Tuesday April 24, 2018 - 07:15:22
Sagaal qof ayaa dhimatay lix iyo toban kalana waxaa soo gaaray dhaawacyo kaddib markii nin u muuqanayo inuu si ulakac ah gaari u jiirsiiyay dad marayay hareeraha waddo aad u mashquul badan oo ku taal magaalada Toronto ee waddanka Canada, booliska ayaa sidaasi sheegay.

Read More »

Markab Lagu Raray Qalabkii Imaaraadka oo Ka Shiraacday Dekeda Muqdisho -Sawirro

0 Visits: 172 | Tuesday April 24, 2018 - 06:59:07
Markab laga leeyahay dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa dekeda Muqdisho ka shiraacday kadib markii la saaray qalab milatari oo ay leeyihiin ciidamada Imaaraadka ee tababarada siin jiray ciidamada dowlada.

Read More »

Shan Musharax oo isku Diiwaan Geliyey Doorashada Gudoonka Golaha Shacabka -Sawirro

0 Visits: 135 | Tuesday April 24, 2018 - 06:48:29
Shan musharax oo u taagan qabashada kuriga Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayay diiwaan geliyeen Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Read More »

Duqa Muqdisho "Ma Aqbali Doono in Qashin Lagu Shubo Waddooyinka" -SAWIRRO

0 Visits: 79 | Monday April 23, 2018 - 19:16:49
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Caddiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng. Yarisow) oo maanta kormeer ku tagey deegaanka Jaziira ee duleedka magaalada Muqdisho, halkaas oo ay ku yaalaan goobo lagu shubo qashinka laga qaado Caasimadda, ayaa sheegay in tallaabo laga qaadi doono qof walba…

Read More »

Ibraahim Isaaq Yarow oo iska Casilay Xilkii Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

0 Visits: 55 | Monday April 23, 2018 - 18:37:29
Ibraahim Isaaq Yarow oo ka mid ah Musharaxiinta u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ku dhawaaqay inuu buuxiyay shuruudii Guddiga qaban qaabada doorashada, iskana casilay xilkii Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta.

Read More »

Taliyaha Ciidanka Xoogga oo Ka Hadlay Dhacdadii Dugsiga Tababarka Ee Jeneraal Gordan.

0 Visits: 130 | Monday April 23, 2018 - 18:20:47
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya Jen. Cabdiweli Jaamac Gorod ayaa faahfaahin ka bixiyey iska horimaad culus oo maanta xerada tababarka Imaaraadka ku dhexmaray ciidamo ka tirsanaa kuwii xeradaas ku jiray iyo kuwa Milateriga.

Read More »

Ra'iisul Wasaare Kheyre oo Ka Hadlay Sababta Madaxweynaha ugu Guuray Wasaaradda Difaaca.

0 Visits: 194 | Monday April 23, 2018 - 18:05:54
Ra'iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay wado qorshaha dib u yagleelida iyo dhismaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, si labada sano ee soo socda amniga dalka ula wareegi lahaayeen.

Read More »

Wasiir Ka Tirsan Xukuumadda oo is Casilay, isuna Sharaxay Xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka.

0 Visits: 77 | Monday April 23, 2018 - 17:48:22
Wasiiru dowlaha Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Soomaaliya C/casiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen) ayaa iska casilay xilkiisa, isagoo ku dhawaaqay inuu yahay Musharax u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Read More »

Guddiga Doorashada Guddoonka Golaha Shacabka oo Jawaab Kulul Siiyey Wasiir Xoosh.

0 Visits: 99 | Monday April 23, 2018 - 10:02:18
Guddiga qaban-qaabada doorashada gudoonka golaha shacabka ayaa si kulul uga jawaabay hadal shalay ka soo yeeray Wasiirka Dastuurka Xukuumada Soomaaliya Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil oo sheegay in Wasiirada u sharaxan doorasha gudoonka baarlamanka ay tartami karaan iyagoo aan iscasilin.

Read More »

Wasiirka Cadaaladda oo Xukuumadda Soomaaliya Maanta Hortagaya Fadhiga Golaha Aqalka Sare.

0 Visits: 72 | Monday April 23, 2018 - 08:54:37
Wasiirka Cadaaladda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Abuukaate Xasan Xuseen Xaaji ayaa maanta oo Isniin ah lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka Golaha Aqalka Sare.

Read More »

Muwaadiniin u Dhashay Dalka Britain oo Shil Ku Dhintay iyaga oo Cumraysanaya.

0 Visits: 78 | Monday April 23, 2018 - 08:43:51
Afar ruux oo Britain u dhalatay ayaa dhimatay 12 ruux oo kalana dhaawacyo ayaa soo gaaray ka dib markii uu shil galay bas ay saarnaayeen iyaga oo cumro u jooga Sacuudiga, sida ay sheegtay shirkad dhanka socdaalka ka shaqaysa.

Read More »

Wasaaradda Warfaafinta Dalka oo Soo Xeray Shirkii Badqabka Suxufiyiinta iyo Qodobo Laga Soo Saaray.

0 Visits: 73 | Monday April 23, 2018 - 08:33:19
Sii hayaha Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya Ahna Wasiir ku xigeenka H.E C/raxmaan Iidaan Yoonis ayaa soo xeray shirkii Badqabka Suxufiyiinta oo labadii maalin ee la soo dhaafay ka socday Muqdisho, waxaana laga soo saaray qodoba ay ka mid yihiin dhismaha Gudigga Qaran ee badqabka Saxafiyiinta Soomaaliyeed…

Read More »

Is Diiwaangelinta Musharaxiinta Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo Maanta Bilaabaneysa.

0 Visits: 80 | Monday April 23, 2018 - 08:23:42
Sida ay shalay shaaciyeen Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya maanta oo isniin ah waxaa bilaabanaya is diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartamaya Xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Read More »

Maxamed Salax oo Ku Guulaystay Abaalmarinta Xidig Sanadka ee PFA ee 2018ka.

0 Visits: 72 | Monday April 23, 2018 - 08:15:39
Xidiga xulka qaranka Masar iyo kooxda Liverpool ee Mohamed Salah ayaa ku guulaysatay abaal marinta horyaalka Premier League ugu qaalisan ee xidiga sanadka ugu fiican kadib markii uu codbixintii la sameeyay ku garaacay shan xidig oo uu Kevin De Bruyne ku jiray wuxuuna Salah hantiyay abaal marintan kadib…

Read More »

Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska ee Oto Oto oo Dib Loo Hawl-gelinayo -Sawirro

0 Visits: 149 | Monday April 23, 2018 - 07:54:31
Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Sarreeye guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko , ayaa kormeeray Xaruntii isgaarsiinta Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ee la oron jiray OTO OTO oo astaan ay u tahay (888), halkaasi oo dib u dayactir lagu sameeyey.

Read More »

Guddoomiyah Yarisow oo la Kulmay Agaasimaha Machadka Dimuqraadiyada iyo Doorashooyinka Afrika -Sawirro

0 Visits: 70 | Monday April 23, 2018 - 07:45:12
Guddoomiyaha Gobolka Benaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) oo kulan gaar ah la qaatay Agaasime Gobolleedka Machadka Dimuqraadiyadda iyo Doorashooyinka Afrika Mudane Justin Duo Gore ayaa sheegay in dhawaan la bilaabayo wacyi-gelinta ku saabsan hannaanka ay dadka…

Read More »

Madaxweyne Muuse Biixi oo Kulan Xasaasi ah La Qaatay Wafdi Ka Socda Dowlada Imaaraadka.

0 Visits: 45 | Sunday April 22, 2018 - 19:04:30
Magaalada Hargeysa ee xarunta maamulka Somaliland waxaa gaaray wafdi ka socda dowlada Imaaradaka Carabta, wafdigan ayaana kulan gaar ah la qaatay Madaxweynaha maamulkaasi Muuse Biixi.

Read More »