Maamulka Ximin & Xeeb Oo Aqbalay, Saxiixdayna Heshiiskii Maamulka Loogu Sameeyay Gobolada Dhexe

0
Sunday August 10, 2014 - 17:22:23 in Wararka by Super Admin
  • Visits: 772
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Maamulka Ximin & Xeeb Oo Aqbalay, Saxiixdayna Heshiiskii Maamulka Loogu Sameeyay Gobolada Dhexe

    waxaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia lagu qabtay munaasabad ay Ximin & Xeeb ku aqbashay ka mid noqoshada Dhismaha Maamulka lagu wado in loo sameeyo Gobolada Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

waxaa maanta Xarunta Madaxtooyada ee Villa Somalia lagu qabtay munaasabad ay Ximin & Xeeb ku aqbashay ka mid noqoshada Dhismaha Maamulka lagu wado in loo sameeyo Gobolada Dhexe. Munaasabadda inta ay bilaaban Ka hor ayaa waxaa shir gaar ah Villa Somalia ku yeeshay Ra'iisal Wasaaraha, iyo Ku Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka, Wakiilka Qaramada Midoobe ee Somaliya, Madaxweynaha Ximin & Xeeb iyo xubno kale oo wehlineysay.
Dhinacyadaan, ayaa wada hadalo ka dib waxay isu waafaqayn in Ximin & Xeeb taageerto Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug, iyadoona Munaasabad lagu qabtay Madaxtooyada ku shaacisay in ay ka mid noqoneyso Maamulka cusub.
Madaxweynaha Maamulka Ximin & Xeeb C/laahi Cali Maxamed (Baarleex), ayaa waxa uu Madasha ka sheegay in iminka ay taageerayaan hirgelinta Maamulka Gobolada Dhexe.


Ra'iisal Wasaaraha Xukuumada Federalka ee Somaliya Dr. C/weli Sheekh Axmed Maxamed, oo Xafiiskiisu uu soo qaban qaabiyay qorshaha Maamulka Gobolada Dhexe lagu dhisaayo, ayaa waxa uu soo dhaweeyay isbedelka Ximin & Xeeb.
Ku Simaha Madaxweynaha ahna Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka ee Somaliya Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, ayaa guubaabiyay go'aanka Maamulka Ximin & Xeeb uu kaga mid noqonaaya Maamulka lagu mideysan yahay, ee laga hirgelinaayo Gobolada Dhexe.
Wakiilka Qaramada Midoobe u qaabilsan arrimaha Somaliya Amb. Nicholas Kay, oo sidoo kale ka hadlay Madasha Munaasabada, ayaa wax wanaagsan ku tilmaamay in Ximin & Xeeb ay taageerto Dhismaha Maamulka Gobolada Dhexe.
Ximin & Xeeb, ayaa 30-kii bishii hore ee July ka hor timid hindisaha Maamulka Gobolada Dhexe, iyadoo Madaxda Dowladdu ku eedeysay in looga been abuurtay shirkaasi, isla-markaana aynaan saxiixin in ay ka mid noqoneyso Dhismaha Maamulka Gobolada Galgaduud iyo Mudug.





Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip