Wiil uu dhalay Usama Bin Laden oo Mareykanka weydiisatay warqad cadeyneysa dhimashada Aabihiis...

0
Sunday June 21, 2015 - 07:04:56 in Wararka by
  • (Rating 5.0/5 Stars) Total Votes: 1
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wiil uu dhalay Usama Bin Laden oo Mareykanka weydiisatay warqad cadeyneysa dhimashada Aabihiis...

    {Radio Shacab} Qoraal ay soo saartay hey'adda Wikileaks ayaa maalinimadii Jimcaha waxa ay ku sheegtay in Sacuudigu uu faafiyey in wiil uu dhalay Usaama Bin Laadin uu "Weydiisasho Warqad Cadeyn ah" u qortay dowladda Mareykanka, si uu M

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

{Radio Shacab} Qoraal ay soo saartay hey'adda Wikileaks ayaa maalinimadii Jimcaha waxa ay ku sheegtay in Sacuudigu uu faafiyey in wiil uu dhalay Usaama Bin Laadin uu "Weydiisasho Warqad Cadeyn ah" u qortay dowladda Mareykanka, si uu Mareykanku uu u siiyo warqadda cadeynta dhimashada aabihiis. Wiilka ayaa ku nool caasimadda Sacuudiga ee Riyaad.

Cabdullaah bin Laden ayaa la sheegay in uu bishi May 2011 uu 2 warqadood oo codsi ah u dirsaday safaaradda Mareykanku ku leeyahay Sacuudiga si loo cadeeyo dhimashada Usma Bin Laadin tani oo uu C/laahi sheegay in ay u sahli doontoin uu la wareego dhaxalka aabihii Usama.

Warqadaha oo shahaadooyin cadeymo ka kooban ayaa Wikileak sheegaysaa in loo diiday wiilka in la siiyo cadeyntaasi. Shirkadda Wikileaks oo horey u sii deysay dokumenti ka kooban 60,000 oo feylal sir ah ayaa Mareykanka ugu hanjabtay in ay dunida ku sii deyn doonto ilaa iyo nus malyuun dokumentiyo sirar oo gacanta ugu jira wasaaradda arrimaha gudaha ee Sacuudi Caraabiya.


Jariiradda Al-Akhbar, oo ah machad bah wadaag la ah Wikileaks ayaa shaacakaqaaday in in la filayo in sir badan oo xasaasi ah dhowaan shaaca laga soo qaado.

Qunsulka Mareykanka u fadhiya Sacuudi Caraabiya Glen Keiser, ayaa u sheegay Cabdullaahi Bin Usaama in wax dokumenti ah oo cadeyn ah oo ku saabsan dhimashada Usaama aan waqtiga xaadirka ah la heynin isla markaana Usaama lagu diley howlgal milleteri.

Tan bedelkeed, waxaa uu qunsulku Cabdullaahi siiyey cadeymo kale oo sheegaya in wasaaradda cadaalladda ee Mareykanku ay tirtirtay dembiyadii lagu heystay Usaama Bin laadin kadib marki uu meesha ka baxay Usaama. 

Cabdullaahi Osama ayaa intaa kadib u kicitimay dhinaca maxkamad boqortooyadu leedahay bishi May 2012-kii isagoo weydiisanaya maxkamadda in uu wasaaradda arrimaha dibadda ee boqortooyada ka helo warqado u sahlaya in uu dhaxalka aabihiis helo lana soo afjaro is hortaagga lagu hayo in uu aabihiis ka dhaxlo hantida.

Weerarkani lagu dilay Usaama ayaa waxaa qaaday garab milleteriga Mareykanka ka mid ah kuwaasi oo habeenkii 2-aad ee bishii May 2011 Usaama ku diley magaalada Abbottabad oo ku taal dalka Paakistan halkaasi oo la sheegay in uu Usama kula dhuumanayey xaasaskiisa. Waxaa dhacday in M/weyne Obama uu markiiba ku dhawaaqay in ciidanka Mareykanku dileen Usaama waxaase Mareykanka ka dhacday in saxafiga caanka ah ee Seymour Hersh uu hadallo cul culus ka horgeeyay sheegashada dowladda ee ah in Usama xarbi rasaaseed lagu dilay.

Saxafiga Mareykanka caanka ka ah ee Seymour Hersh ayaa, sidoo kale, sheegay in Mareykanku aanu Usaama ku duugin badda, sida dowladda Mareykanku balanqaadday, taas bedelkeedka meydka Usaama lagu qaaday diyaarad iyadoo lagu tuuray buuraha aadka u dhaadheer ee loo yaqaan Hindu Khush ee ku yaal xadka Paakistaan la wadaagto Afgaanistaan.

Sirdoonka CIA iyo aqalka cad ayaa eedaha saxafiga Hersh iska fogeeyay.

Guddiga amniga Mareykanka ee fadhigoodu yahay aqalka cad ayaa afhayeenkooda Edward Price waxa uu sheegay in been ay ku jirto hadalka uu sharaxay saxafiga Hersh.

Si kastaba, wiilka uu dhalay Usaama ee Cabdullaahi Bin Usama ayaa haatan dowladda Mareykanku ka meer meersatay una diiday in ay siiyaan shahaadada dhimashada ee cadeyneysa in uu aabihiis geeriyooday.



(Xafiiska War-Qabadka Radio Shacab)



Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip