Madaxweyne Farmaajo "Waa in Dagaalka Tuka-raq Si Deg-deg Ah oo Shuruud La'aan Ah Lagu Joojiyaa"

0
Tuesday May 15, 2018 - 18:36:27 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 93
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo "Waa in Dagaalka Tuka-raq Si Deg-deg Ah oo Shuruud La'aan Ah Lagu Joojiyaa"

    Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa baaq ka soo saarey dagaalka ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland maanta oo Saalasa ah kadib muddo shan bilood ah oo labada ciidan is horfadhiyeen oo lagu fashiley waa

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed ayaa baaq ka soo saarey dagaalka ka dhex qarxay Somaliland iyo Puntland maanta oo Saalasa ah kadib muddo shan bilood ah oo labada ciidan is horfadhiyeen oo lagu fashiley waan-waan beesha caalamka iyo waxgarad labada dhinac ah wadeen.

Madaxweynaha ayaa dagaalka ku tilmaamey mid macno daaro oo aan lo baahneyn, waxaana uu ku baaqey in si deg-deg ah lo joojiyo.

Waa markii u horeysey ee Madaxweynaha Jamhuuriyaddu Maxamed Cabdullaahi uu ka hadley colaadda Tukaraq, waxaana xusid mudan in Somaliland ay weerarkii hore ay ugu qabsadeen Tukaraq ku beegeen maalintii uu booqashada ku tegey Garoowe ee 8 Janaayo 2018, taas oo la aminsan yahay mid ay ku carqaladeynayeen booqashadiisa, hadiyadna uga dhigayeen.


Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi iyo Guddoomiyaha xisbiga Ucid ee Somaliland Faysal Cali Waraabe ayaa labaduba ku eedeeyeen Farmaajo in uu ka danbeeyo dagaalka maanta dhex marey iyaga iyo ciidanka Puntland.


Akhri bayaanka ka so abxay Madaxweynaha

Faafin degdeg
15ka May, 2018

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu ka walaacsanyahay dagaalka saaka kasoo cusboonday deegaanka Tuka-raq ee Gobolka Sool, kaasoo sababay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha waxa uu ugu baaqayaa Madaxda, Odayaasha Dhaqanka, Culumaa’diinka, Ururrada Bulshada Rayidka ah, Haweenka iyo Dhallinyarada in ay u istaagaan sidii loo joojin lahaa dagaallada haatan socda.

"Waxaa nasiib darro ah in uu dhiig daato, waliba xilli loo diyaar garoobayo gudashada acmaasha bisha barakeysan ee Ramadaan.”

"Waa in dagaalka Tuka-raq si degdeg ah oo shuruud la’aan ah lagu joojiyaa, wax walbana loo maraa dariiqa wadahadalka.”

Madaxweyne Farmaajo ayaa waxa uu sidoo kale, baaq u diray beelaha walaalaha ah ee maalmihii lasoo dhaafay ay dirirtu ku dhex martay deegaanka Ceel Afweyn ee Gobolka Sanaag.

Madaxweynahu waxa uu tacsi u dirayaa ehelada iyo qaraabada dadkii ku geeriyoday Tuka-raq iyo Ceel Afweyn, wuxuuna Alle uga baryayaa inuu dhaawaca degdeg u bogsiiyo.

==DHAMMAAD==


Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip