La Taliyihii Dhanka Warfaafinta Ra'iisul Wasaare Kheyre oo is Casilay.

0
Tuesday May 15, 2018 - 17:54:43 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 152
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    La Taliyihii Dhanka Warfaafinta Ra'iisul Wasaare Kheyre oo is Casilay.

    La Taliyihii dhinaca Warfaafinta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/qaadir Cashir Nadaara ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

La Taliyihii dhinaca Warfaafinta Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya C/qaadir Cashir Nadaara ayaa ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii uu hayay.


Mr Nadaara oo horay uga soo shaqeeyay warbaahin kala duwan ayaa sheegay inuu isku casilay Musharaxnimada kursi Xildhibaan uu baneeyay Agaasimaha Hey’adda Nabadsugida Xuseen Cismaan Xuseen oo markii xilkaas loo magacaabay si toos ah u waayay Xildhibaanadiisa.

Waxaa uu sheegay inuu ka qeyb geli doono tartanka doorashada kursiga Xildhibaanimo oo dhowaan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.

C/qaadir Nadaara ayaa la filayaa inuu taageero ka helo Xukuumadda, si uu ugu guuleysto Kursiga Xildhibaano, iyadoo horay Musharaxiin ay wadatay Xukuumadda ay ku guuleysteen Kuraastii banaaneyd ee Golaha Shacabka ee doorashadooda dhowaab ka dhacday Dhuusamareeb, Kismaayo iyo Jowhar.

Guddiga doorashada ayaa qaban qaabinaya doorashada kursiga banaan ee Golaha Shacabka oo dhowaan ka dhici doonta magaalada Baydhabo.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip