Guddoomiye Eng. Yariisow oo Raaligelin Siiyay Xildhibaanada Qaranka -AKHRISO

0
Saturday May 05, 2018 - 17:51:41 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 76
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiye Eng. Yariisow oo Raaligelin Siiyay Xildhibaanada Qaranka -AKHRISO

    Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa faah faahin ka bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay warbaahinta oo muran badan dhaliyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan ayaa faah faahin ka bixiyay hadal uu dhawaan ka sheegay warbaahinta oo muran badan dhaliyay.


Guddoomiye Yariisow, ayaa isaga oo ka qaybgalaayay Dood ka baxeysay Tv-ga Somali Cable, wuxuu sheegay inuu ka shaqeyn la’yahay Xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabka iyo Senataro, kuwaasi oo uu sheegay in ay xafiiskiisa mar walbo joogaan.

Gudoomiye Yariisow, wuxuu hadalkiisa si cad ugu sheegay waqtiyada shaqada xafiiskiisa xilligii uu u shaqeyn lahaa in ay u yimaadaan Xildhibaano iyo Senataro kuwaasi oo ka lumiya sida uu sheegay waqti shaqada uu ku qaban lahaa.

Hadalka uu sheegay guddoomiye Yariisow ayaa dhaliyay muran badan waxaana siyaaboyin kala duwan ugu hadlayo Xildhibaano, Senataro, iyo siyaasiyiin.

Sidoo kale Xildhibaanada qaar ayaa sheegay in ay shaqadooda tahay in maamulka gobolka banaadir ay kula xisaabtamaan howlaha uu ka gaabiyo si uu shaqo wanaagsan ugu qabto shacabka gobolka.

Guddoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa muqdisho Eng C/raxmaan Cumar Cismaan Jayaa sheegay in si qalad ah loo turmay loona fasiray hadalkiisa.

Barta xiriirka Bulshada ee Face book ayuu gudoomiye Yariisow, wuxuu soo dhigay qoraal uu ku sheegay in fasiraad qaldan laga bixiyay hadalkii uu warbaahinta ka sheegay.

Yariisow ayaa tilmaamay in ixtiraam badan iyo wada shaqeyn wanaagsan ay kala dhaxeyso Xildhibaanada iyo Senatarada si qaladna ahna loo turjumay hadalkiisa.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip