Taliska Militariga Dalka oo Beeniyay in La Boobay Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Jen Gordan.

0
Tuesday April 17, 2018 - 08:31:35 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 55
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Taliska Militariga Dalka oo Beeniyay in La Boobay Dugsigii Tababarka Ciidamada ee Jen Gordan.

    Taliyaha Hoggaanka Siyaasada iyo wacyigalinta ciidanka Xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid Shiikh Cali (Xaydar) ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay faafiyeen Warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in la boobay agab yiilay xero Imaaraadku ku tababara

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Hoggaanka Siyaasada iyo wacyigalinta ciidanka Xoogga dalka G/sare Cabdi Xamiid Shiikh Cali (Xaydar) ayaa been abuur ku tilmaamay warar ay faafiyeen Warbaahinta gudaha qaarkood oo sheegayey in la boobay agab yiilay xero Imaaraadku ku tababaraan ciidamada Soomaalida.

Waxaa uu intaas ku daray in maanta xerada uu booqday abaanduullaha Ciidanka Xoogga dalka aysana waxba ka jirin wararka sheegaya dhibaatooyin xeradaas ka dhacay.

G/Sare Xaydar waxaa uu wax lala yaabo ku tilmaamay wararka la baahiyey qaarkood oo sheegaya in ciidamada Xoogga dalka uu iska horimaad ku dhaxmaray gudaha xerada Imaaraadka, waxaana uu xusay in Macalimiin iyo tababarayaal ka tirsan ciidamada xoogga dalka ay hadda ku sugan yihiin gudaha xerada General Gordan.

Taliyaha hogaanka siyaasada iyo wacigalinta ciidanka Xoogga dalka ayaa ku goodiyey iney sharciga la tiigsan doonaan warbaahinta baahisay wararkaasi been abuurka ah.

Hadalka taliyaha ayaa ka dambeeyey xili maanta Xerada tababarka Imaaraadka Jen. Gordan ee ku taalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho uu ka dhacay boob lagula kacay agabkii yiilay ee loo adeegsanayey tababarka ciidamada Soomaalida.

Falkan ayaa dhacay wax yar ka dib markii ay dalka ka dhoofeen Saraakiisha tababarayaasha Imaaraadka Carabta ee ku sugnaa Xeradaas, iyagoo dalkooda dib ugu laabtay ka dib markii uu xumaaday xiriirkii Soomaaliya iyo Imaaraadka.

Wararka qaar ayaa sheegaya in saraakiisha Imaaraadka ay qalabkii muhiimka ahaa kala baxeen xeradaas, lana geeyey xarunta Safaarada Imaaraadka Carabta oo ku taalla degmada C/casiis, iyadoo arintana ay timid xili war ka soo baxay xalay dowlada Imaaraadku ay ku sheegtay in la joojiyey gebi ahaan tababarkii ay siin  jireen ciidamada dowlada Somalia.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip