Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wafdii uu Horkacayo oo Gaaray Magaalada Boosaaso -Sawirro

0
Saturday April 14, 2018 - 20:13:15 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 173
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Amniga Gudaha iyo Wafdii uu Horkacayo oo Gaaray Magaalada Boosaaso -Sawirro

    Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaaladan Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo madax ka tirs

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa maanta gaaray Magaaladan Boosaaso ee xarunta Gobolka Bari, halkaasoo ay ku soo dhaweeyeen mas'uuliyiinta Maamulka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso iyo madax ka tirsan Dowlad Goboleedka Puntland.

Waxaa ka mid ah xubnaha wafdigan, Wasiirka Beeraha Mudane Siciid Xuseen Ciid, Sii hayaha Wasiirka Gargaarka Cilmi Cumar Ceynsane, Wasiirka Shaqada iyo arrimaha Bulshada, Wasiiru Dowlaha Maaliyadda Maxamuud Xayir Ibraahim iyo Xildhibaanno ka tirsan labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Xukuumadda Soomaaliya ayaa shir jaraa’id uu ku qabtay garoonka diyaaradaha Bandar-Qaasim ee magaalada Boosaaso ayaa faahfaahiyay ujeedka socdaalkooda.

"Marka hore Waxaan doonayaa inaan u mahadcelino mas’uuliyiinta maamulka Magaalada Boosaaso iyo dowlad Goboleedka Puntland  sida diiran oo ay inoo soo dhaweeyeen, waxaan halkani u nimid in aan ka qeybgalno caleema saarka Beeldaaje Maxamed Ismaaciil C/llaahi waxaan leenahay hambalyo, Xukuumaddu markasta waxaa ay garab taagan tahay dhaqanka Soomaaliyeed” ayuu yiri Wasiirka amniga.

Mas’uuliyiintan ayaa inta ay joogaan Boosaaso waxay kulamo kala-duwan la qaadan doonaan mas’uuliyiin,waxgarad iyo qeybaha bulshada.











Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip