Rag Hub Macmal Ah Dadka Ku Dhacayay oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

0
Saturday April 14, 2018 - 16:35:47 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 190
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Rag Hub Macmal Ah Dadka Ku Dhacayay oo Lagu Qabtay Magaalada Muqdisho.

    Maamulka degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay labo ruux oo dhalinyaro ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhac ka geysanayeen xaafado ka mid ah degmada Warta-Nabada.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Maamulka degmada Warta-Nabada ee magaalada Muqdisho ayaa soo bandhigay labo ruux oo dhalinyaro ah kuwaasoo lagu eedeeyay inay dhac ka geysanayeen xaafado ka mid ah degmada Warta-Nabada.

Labadan ruux ee dhalinyarada ah ayaa waxaa ay dhaca ku geysanayeen bistoolado been abuur ah kuwaasoo ka sameysnaa alwaax iyadoo goobta lagu soo bandhigayayna uu joogay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho Inj Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow,guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey,iyo saraakiil ka socotay Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Guddoomiyaha degmada Wartanabada Seynab Maxamuud Warsame Xaabseey ayaa sheegtay in shacabka ku nool Xaafadaha degmada Wartanadbada ay ka qeyb qaateen soo qabashada raggaas burcad ah,iyada oo uga mahadcelisay dadaalkii ay sameyeen,waxa ayna kula dardaarantay in marwalba ay la Shaqeeyaan Ciidamada Amniga.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho En,Cabdiraxmaan Cumar Cismaan Yariisow ayaa isna dhankiisa waxa uu uga mahadceliyey shacabka Degmada Wartanabada sidii ay uga qeyb qaateen soo qabashada raggaas Burcad ah,waxaana ugu baaqay in ay ka dhabeeyaan la Shaqeynta dowladda,isla markaana raggaas cadaalada lahorgeyn doono.




Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip