Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeybgalay Xuska Aas-aaskii Ciidamada XD Soomaaliyeed -SAWIRRO

0
Thursday April 12, 2018 - 19:55:18 in Wararka by Wariye Qoslaaye
  • Visits: 94
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Farmaajo oo Ka Qeybgalay Xuska Aas-aaskii Ciidamada XD Soomaaliyeed -SAWIRRO

    Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda oo manta u dabaaldegay sannad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hambalyo u diray Saraakiisha, Saraakiil-Xigeennada, Aliflayda, Dableyda iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qoysaskooda oo manta u dabaaldegay sannad guuradii 58-aad ee ka soo wareegtay markii la asaasay.

Madaxweynaha oo kala qeyb galay munaasabadda xuska maalintan cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga ayaa sheegay in si dardar leh ay u socdaan howlaha dib u dhiska ciidanka, tallaabooyin muuqdana loo qaaday isku dhafka ciidamada, dib u habeynta hannaanka maaliyadda iyo howl-gelinta.

Madaxweyne Farmaajo ayaa tilmaamay in dadaalladaas dib u dhiska ah ay barbar socdaan guulo ay ciidanku ka gareen dagaalka lagaga sifeynayo dalka argagixisada Al-shabaab.

"Muddadii ugu dambeysay ee aan ku shaqeynaayey Wasaaradadda Gaashaandhigga, waxaan ku guuleysannay inaan dib u saxno diiwaan gelinta dhammaan askarta, iyadoo loo sameyeeyey mid kasta fayl u gaar ah oo ay ku qoronatahay xog kasta oo ku saabsan askarigaas, taas oo aan horey u jirin.” Ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa sheegay in lagu kordhinayo qeybaha Ciidanka Xoogga Dalka cutubyo ku takhasusay dagaalka argagaxisada, taasoo ka tarjumaysa qorshaha dowladda ee ku aaddan xoreynta degaannada ay gacanta ku hayaan Alshabaab.

Madaxweynaha ayaa faray Ciidanka Xoogga Dalka inay tusaale wanaagsan u noqdaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan ciribtirka musuqmaasuqa iyo qabyaaladda oo labaduba dib dhigay dowladnimada iyo horumarka dalka.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa uga mahad celiyay dowladaha iyo ururrada caalamiga ee garab taagan Ciidanka Xoogga Dalka, isagoo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed inay taageero buuxda siiyaan ciidankooda, dadaal muuqdana ku bixiyaan xoreynta dalka.

Munaasabaddan waxaa ka qayb galay Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Mursal Sheekh, Xubno ka tirsan labada Gole ee Baarlamanka, Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka Jeneraal Cabdiweli Jaamac Xuseen (Gorod), Taliyaha Ciidanka Asluubta Sarreeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac, Taliyaha Ciidanka Booliska Jeneraal Bashiir Cabdi Maxamed, Taliyaha Ciidanka Nabad Sugidda Mudane Xuseen Cismaan Xuseen iyo marti sharaf kale.















Leave a comment

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip

  Tip